Berri hore ayaa habar Somaliyeed, sidaan ku maqlay sheeko baraley, abaawaraheedii (Ninkeedii) Ilaahay kala qaaday. Waa geeri iyo caadkeede odaygii halkii loo badnaa iyo aakhiruu u guurey oo si kedis ah; mawtulqafle ayaa diley. Dardaaran kama hadhin, loo raaco dhaxalkiisa.
Ifka wuxuu ka tegey, shan wiil oo doqomo ah iyo shanta maal adduun iyo dameer shaa la yidhaa. Reer buuxa oo barakaysan, ayuu ka tegey.
Habartu geesiyad, fariidnimo u dhalatay, oo reerkaa buuxa, wiilasha aabahood la dhaqday ayay ahayd. Way og tahay, wiilasheedu in ay yihiin doqmo aan kob caleen leh ka soo durdurin, oo nacab iyo nasteexna beeshu warkooda qabto. Waxay ka baqday wiilashaa, Ilaahay sidaa u gartay, in ay dhaxal wareegaan.
Nin waliba, way og tahay, ragga beesha in uu xeeladiisa iyo xoogiisa la imman doono. Mid ku doodaya in uu yahay dumaalkeedii oo uu yeeshay meherkeeda, mid xoog wax ku doonaya, mid xarago, qurux iyo shukaansi, afmiishaar nimo iyo haasaawe duleed adeegsanaya, oo in qalbigeeda hantiyo doonaya oo dabaal joogteenaya. Xaga shareecada waxaa yeeshay meherkeeda, macangag liita, oo ay hore nolol ku deyrisey, oo isaguna diinta cuskanaaya oo meel laga dhaafaa jirin.
Habartan geesiyada ah, ee fariida ah, inkasta oo ay ragga qaarkii quruxdooda iyo raganimadooda u qushuucdo, oo ay laabta ka jeclaatay, in ay la laamadoodo, caddoo lool la cayaarto, isdaadiyaan meel yar diismaysa, darin wada jiibsadaan oo ay dugsato, Xaashaa kalaa damacaa iyo dareenkaa dib ayay u liqday, waayo ujeedadooda, quluubtooda ayay ka daalacatay, in ay duunyo doon yihiin iyo dhaxalka wiilasha doq ma ah.
Habartii go’aan bay qaadatay. Iyada yeelkeeda, waxay ku talaabsatay in aanay shanta wiil, ee Ilaahay ka beeray, aanay dhaxal wareegin. Way iskugu yeedhay. Waxay ku tidhi, waar orda oo duleedka u baxa, geedkaa hadhaca fadhiista. Fooda is geliya sidii rag shiraya. Ulihiina dhulka ku xariiqa sidii rag baanaaya, arrimaha ka baaraan degaya.
Beeshii baa yaabtay. Kii u yimaada iyo qofkii weydiiyaba, waxay habartii, ku tidhaa, waxay ka shirayaan siday dhaxalka ay u qaybsan lahaayeen.
Todobaad markay, halkii gundudeen, dadkii hungurigu wadey, ee quudhsanayey shanta doqon quusteen, maxaayaalay rag bay noqdeen waa kuwaa shiraya, ayaa meel laga dhaafo la waayey.
Sidi bay dhaxalkii reerku ugu ilaalisay haweeneydaas caaqiladda ah