Waxaan is tusay inaan aabe ka qaato ama aan iraahdo lacag i deymi, inkasta oo
aanan ogeyn waxa uu ka oran doono. Go’aan ka qaadashada arrintaasi aad
ayay iigu adkaatay, maalmo ayaan waday fekerka ceynkaasi ah, intaana kuma
aan guuleysan inaan ku dhaqaaqo in aabe aan weydiiyo lacagta.
Wax uu xaalka sidaa ahaadaba, Habeen Talaado ah, ayaa aniga oo
sariirtayda isaga dul fekeraya mar qura qaatay go’aan deg deg ah oo ahaa
inaan arrinka aabe u sheego, markaasaan u soo baxay dayrka hore ee aqalka
oo aabe uu isaga laydhsanayay, hadaan dibedda soo istaagayba, waxa ay
indhaheygu qabteen adeerkey Xasan (Hani aabaheed), waxaan naxay naxdin
tii ugu sareysay, markaasaan qalbiga iska iri “oo goorma ayuu Italy ka soo
laabtay”, intaan wax xoogaa farxad iska muujiyay ayaan ku dhahay “Oow!,
adeer goormaad soo laabatay, waadba soo dhaqsatay, soo adigan waqtigii
aad iman lahayd ka soo hor maray?’, “haa wiilkeyga howshii aan u baxay
ayaa lix bilood dib loo dhigay, marka galabta un baaba imid” ayuu isna
iigu war celiyay.
Sheeko iyo isla qosol dheer ka dib, ayuu adeer iska baxay, anigii iyo
aabe ayaana isku soo harnay, aniga ma dareensaneyn waxa ay ka wada
hadleeen, waxaana is iri “koleyba arrinta guurka kalama hadlin oo hadda
ayuuba yimid, salaan un buu la soo baxay”, aniga oo isla hadalkaasi ku
maqan ayaa aabe iugu yiri “haye wiilkeyga maxaad la fekereysaa”, intaan
fekerkii ka soo laabtay baan ku iri “haa aabe adigaa arrin kuugu socday”,
isna igama uusan waalin’e, waxa uu iigu jawaabay, ” ii sheeg wiilkeyga
waxaan adiga kuu qaban waayay cid aan u qabanayo ma jirtee?”, kadib ayaan
waxaan bilaabay inaan aabe u sheego dhibka i heysta, Jaceylka aan u qabo
Istar iyo sida aan u rabo inana caafimaad ugu helo. Markaan intaas iri, aabahay, waxa uu galay feker dheer, kadibna waxa uu iigu jawaabay “wiilkeyga Xamza, qorshahaaga waa mid iska yara wanaagsan, waxna waad jeclaan kartaa, laakiin aan su’aalo ku weydiiyo ee i dhageyso”, “waa yahay aabe” baan ku iri, kadiba waxa na dhex maraya su’aalahan iyo jawaabahan:-
Aabe: gabadha yay tahay?
Aniga: Waa gabar Soomaaliyeed?
Aabe: Soomaali inay tahay waan dareemayaa’e ee cid ahaan yay tahay?
Aniga: taas inaan weydiiyo waqti isagamaba lumin, gabadha waan jeclahay,
hamigeegana waa inaan helaa.
Aabe: oo sidee qof aan la garaneyn ay reerkeena ugu soo biireysaa?
Aniga: Aabe, mid aan isla fahano, aniga qofka aan jeclahay, ujeedkeyguna
uu yahay inaan guursado, waa Istar, ee ma ahan reerka ay ka dhalatay, ha
wanaagsanaadaan ama ha xumaadaan, waxba igama gelin, ee Istar waaye qofka
aan rabo, waana kaa hubaa waa qof wanaagsan.
Aabe: Waan ku gartay, ka waran qoyska ay kasoo jeedo, ma yihiin kuwa
ladan oo u dhigma sumcaddeena.
Aniga: qoys dhaqaale heesta maaha, laakiin qalbiga ayay ka ladan yihiin,
oo wax dhib ah ma heesto.
Aabe: sidee ayay kula tahay marka in qofaaksi uu noogu soo biiri karo?
Aniga: aabe gabadha anigaa guursanaya anigaana jecel, qoyskeena iyo
sumcadiisana wax ka galay ma laha?
Aabe: Xamza i dhegeyso, gabar aan la garaneyn, islamarkaan aan noo
qalmin, ayaan intaas qarash ugu indho fiiqayaa, waana guur sanayaan wax
aan kaa yeelayo ma lahan?
Aniga: ok aabe, anaa qarashekyga meel kale ka raad sanayo.
Aabe: qarashkaaga ma garanayo’e ee gabadhaas marnaba nama soo gasho, ma
maantaad noo keentay wax indhaha la’ oo aan la garaeyn baan soo
guursanaa?
Aniga: aabe waa ku baryaaa gabahdhaas horteeda wax ha uga sheegin.
Aabe: hadal iyo dhaamaantii, saad arkeysayba, waxaa hadda iga tagay
adeerkaa, wuxuuna iila yimid qorshe adiga iyo ina adeertaa Hani la isku
kiin darayo, waana isla meel dhignay ee arooskaas isku diyaari warka
badan dhaaf’e.
Intaa kadib aabe fadhiga ayuu igaga kacay isaga oo aan wax jawaab ah iga
sugin, qorshihii aan aabe ula tagay, isagaaba mid kale dul saaray, oo
keygii ku baa bi’iyay, waxa ay igu noqtay arrin aan aqbali karin, waxaana
bilaabay inaa ka fekero, wax aan ka yeelii doono hadalka aabe, koley
inaan ku gacan seeraayo is warsi ma lahayn’e, ee waxaan eegayay waxa iman
doona Mustaqbalka…