Abwaan Af-durdur

Abwaan reer qorraxey ahaa oo soo gaadhay qarnigan aan ku jirno.

Gabaygan marka uu tirinayo Af-durdur wuxuu ahaa barbaar muruq-dhardhaar ah leh oo geela iyo dhaqaalayntiisa u banbaxay.  Inuu geela iyo halkii iyo wixii u roon ka fakaro mooyee wuxuu ahaa nin aan hawo adduun oo kale isku mashquulin.  Geel reerkoodu lahaa ayuu aad u dhaqaalayn jiray oo kolba halkii carrosan ah iyo meeshii naq leh inuu geeyo ku dadaalay.  Muddo kolkii uu geelaa sidaa u dhaqaaleynayay ayuu, malaha, sidii uu rabay ama uu islahaa waad mudan tahay ka waayey odaygii geela uga waynaa.  Markii uu yidhi war sidan ha layga daayana waxaaba loogu jawaabay geelan adigu ma lihidee orod oo waxaad dhaqatay doono.  Isagoo haddaba ka waramaya geelaa iyo waxay dhaqaalayntiisu dhib soo marisay ayuu gabaygan tiriyey.  Inta na soo gaadhay, wuxuu yidhi:-

• Darmad lebi ah boodaan duryami oo bir lagu duugay
• Daaraan aleen aan lahayd iyo dilool aad ah
• Dul ka yeedha koortaa waxaan, daawad u ekeeyey
• Waxaan aar dinaahyeyn iyo, diilalyo u seexday
• Dab waxaan u shiday intaan, dogobyo soo jiiday
• Dibjirraha iyo baahida waxaan, duuda kor u fuulay
• Dibqaloocyadoo dhacay waxaan, dalab kusoo heesay
• Dawlis iyo wadaan iyo waxaan, yeel isugu duubay
• Dar waxaan ka shubay uunka oo, daaska wada jiifa
• Da’day rimi waxaan awr ku daray, dabacsanoo hoor leh
• Waxaan tii nirgaha daabisiyo, dila dhaqaaleeyey
• Dul warowday daac iyo waxaan, xidhadh dabaalsiiyey
• Intaan dayrta maanta ah taray yaan, dib u shallaytoone
• Haddii layga diray qaalamahaan, abid ku daalaayey
• Ruuxii dagnaan lagu hayow, haatan kuu digaye
• Ragow duq iyo xaaskii is qaba, haysu kala daadin