19-kii Maajo 1925tii ayuu Malcolm Little aduunyada kaga soo biiray magaalada Omaha ee gobolka Nebraska, ee dalka Maraykanka, waxa uuna noqday ilmihii afraad ee ay isu dhalaan hooyo Helen Little iyo aabbe Earl little oo ahaa qoys madaw ah.
Malcolm Little markii uu jirsaday 6 sano ayaa kooxo budhcad ahi dileen aabbihiis Earl little, isla waqtigaas kooxo burcad ah oo madawga ugaarsada ayaa gubay gurigii ay daganaayeen, kuna khasbay in ay gebi ahaanba ka guuraan magaaladii ay ku dhasheen isaga iyo walaalladiii.
Dhawr sano kadib markii uu jirsaday 13 sano waxaa laga fogeeyey hooyadiis, maadaama ay hooyadiis la dhibaatoonaysay xanuunka dhimirka, loona raray Isbitaalka, maalintaas wixii ka danbeeyey Malcolm Little waxaa xanaanadiisa gacanta ku qabtay qoys kale.
Malcolm Little waxa uu ahaa kuray aad u caqli badan, fariid ah, fiidhoon, kana dhex muuqda loodkii ay isku dugsiga ahaayeen, waxa uuna mar waliba ku guulaysanayay kaalinta koowaad ee dugsigiisa, waxa uu ahaa arday hammi sare leh, waxa uuna ku riyoonayey ardaydana la wadaagi jiray in uu doonayo in uu mustaqablka noqdo garsoore ama garyaqaan, kuna takhasuso cilmiga sharciga iyo qaanuunka. Nasiib xumo wuxuu hammigiisi hagaasay markii uu isaga haray dugsigii uu dhiganayey kadib markii ay isku dheceen mid kamid ah barayaashii dugsiga, kolkaas oo uu macalinkiisu u sheegay in uu riyoonayo oo aysan waligeed macquul noqonayn in arday madaw ahi noqdo sharci yaqaan, isaga oo ku jeesjeesayana u sheegay in uu noqdo fuundi dhisa guryaha. Cadhadii uu ka qaaday macallinkaas cunsuriga ah ayuu Malcolm Little isaga hadhay dugsiga.
Markaas kadib, Malcolm Little waxa uu yaraan ku galay nolosha shaqada maaddaama uusan haysen Aabbe iyo Hooyo daryeela, 14sano illaa 20 sano jirkiisii Waxa uu ka shaqaysaney magaalada Boston isaga oo weheshanaya walaashiis ay isku Aabbe ahaayeen.
Noloshii adkayd ee uu marayey Malcolm Little waxa ay u weecisay jid xun oo aan wanaagsanayn, kolkii uu ku biiray koox budhcad ah, wiilkii yaraa ee fariidka ahaana isu badalay budhcad ka macaasha dilka dadka, xatooyada, gudbinta maandooriyaha iyo falalka kufsiga iyo afduubka isugu jira.
In muddo ah markii uu ku jiray hawlahaas isaga oo u kala gooshi jiray magaalooyinka Boston iyo New York, si uu u gudbiyo daroogooyinka, 1946-dii markii uu jiray 21sano Malcolm Little waxaa loo dhaadhiciyey jeelka, kadib markii lagu qabtay isaga oo gacmaha kula jira fal xatooyo ah, waxaana lagu ganaaxay 10sano oo xarig ah.
Mugdi walba iftiin ayaa ka dambeeyee, noloshii mudgida ahayd ee wiilkii yaraa ee Malcolm Little, waxa ay ku iftiintay xabsiga, waxa uu xabsiga ka helay kaahii uu ka waayey bannaanka, waxa uu xabsigiisii noqday dugsigi soo saaray mid kamid ah halgamayaashii ugu caansanaa Qarnigii 20aad.
Qisada Malcolm Little ee xabsiga waxa ay ka bilaabanaysaa kadib markii uu xabsiga ku bartay nin lagu magacaabo John Bembry, oo ahaa nin aad u aqoon badnaa, waxa uuna ka bartay dabeecadda akhriska iyo dulqaadka, isaga oo marwalba ka amaahan jiray buugaag noloshiisa wax badan ka badashay, Isla waqtigaas ayuu Malcolm Little la kulmay Koox iyaguna markaas xirnaa, waa koox madaw oo Islaam oo ah laguna magacaabo (Nation of Islam /Ummadda Muslimka), ka sokow waxay ahaayeen dhaqdhaqaaq Muslim ah, una doodi jiray xuquuqda aadamaha. Waxayna u badnaayeen dad madaw ah, waxa ayna badi aaminsanaayeen in madawgu samaystaan gobollo u gooni ah kana goostaan talisyadii takoorka ku taagnaa ee caddaanka, waxayna aad u faafin jireen diinta islaamka iyaga oo dadka ugu yeeri jiray in ay ku soo biiraan. Malcolm little waxa ay wax badan farriimo is weydaarsadeen hoggaamiyihii kooxda Nation of Islaam ElHaj Mohammed, mar kale waxay kooxdu farriimo ugu soo dirtay in uu joojiyo cunista doofaarka iyo cabista sigaarka iyo maandooriyaasha kale, waxa ayna u ballan qaadeen in ay ka saacidi doonaan in uu ka soo baxo xabsiga.
Malcolm Little waxa uu wax badan ka akhriyey fikraddii Nation of Islam waxa uuna ku qancay in uu qaato diinta Islaamka, sidoo kalana uu joojin doono wax walba oo dhaqan xun ah oo ka soo horjeeda akhlaaqda aadamaha, maalintaa wixii ka danbeeyey Little waxa uu noqday xubin kamid ah ururka Nation of Islam.
Islaamidiisa kadib, Malcolm Little waxa uu badalay magiciisii reerka ee ” Little “, una badashay “X” macnaha X ayaa ah “aan la aqoon”, sababtoo ah Malcolm waxa uu ogaa in magaca Little uu ahaa magac adoonnimo loogu bixiyey reerkooda, maadama uusan garanayn magacyada saxda ah ee awooyashaashii ama qoyskooda waxa uu u soo gaabsaday “X” oo ah “Lama Yaqaan“. Ayaantaa wixii kadanbeeyey waxaa loogu wacayey Malcolm X.
1952dii, 7 sano oo xarig ah kadib, waxa jeelkii lagaga soo sii daayey qaab damiin ah, isla markii laga fasaxay xabsiga Malcolm X waxa uu booqday guriga Elijah Mohammed, hogaamiyihii Nation of Islam, sannad kadib Malcolm X waxa uu ka furay magaalada Boston masjid cusub (Temple number 11) , isla sanadkaasi waxa uu haddana furay oo uu balaariyey 3 masjid oo kale.
Qoraa maraykan ah oo ka faalloonaya la yaabkii iyo hibadii Malcolm X waxa uu leeyahay “waxa uu ahaa ruux haybed leh, laba lafood ah, dhererkiisu 1.9m yahay, meesha uu istaagana ruux walba araggiisa iyo oraahdiisaba ka haqab beeli jiray” waxa uu noqday ruux 3 sano gudahood hadal hayntiisu qabsatay Maraykanka oo idil isaga iyo saaxiibkiisa Boqorki Feedhka adduunka ee Maxamed Cali Kalay.