Waan fekeray, waxaana ii soo baxay qorshe cusub oo aan is lahaa aabe
waad kaga bad baadi kartaaa, kaasi oo ahaaa, inaan aabe ku wergeliyo
xiriirka aan la wadaagayo Istar iyo nolosha cusub ee ii bilaabtay,
haddana waxaan is iri armuu aabe ku weydiiyaa arrimo ay ka mid yihiin
gabadha na bar oo guriga keen iyo waxyaabo kale. Qorshihii ayaa haddana
ila xumaaday, fekerkiina wuu igu sii batay, adiga, ugu dambeyn, waxaan
go’aan ku gaaray inaan de dejiyo qorshaha aan indhaha ugu fiiqayo Istar,
dabadeedna aan aqal gal deg deg ah habeeyo, sidaa ayaana nafteeda ku
qarsaday.
Ciilkii aan ka qaaday qorshaha guracan ee Hani, weli sidiisa ayuu ii
hayay, maalinkii xigay ee sabtiga ahaa, ayaan shaqada kula kulmay,
markaasaa anoo carro ay i hareeysay inta wejiga wejiga u saaray ku iri
“Waa maxay qorshahan guracan ee aad ila damac san tahay”, waxba igama
aysan waalin’e qosol ayayba igaga baxday, waxaana ayada oo faraxad ay ka
muuqato ay igu tiri ” wax kale maahan, sideedaba markaad qof jeceshahay,
waa inaad sameysaa, wax walba oo aad qofkaasi ku heli karto, marka ha la
yaabin waa un dadaal aan adiga kugu raadinayo, miyaad ka xun tahay?’, “oo
ma kula tahay naf aan raali kaa ahayn inaad sidaa ku heli karto?”, ayaan
haddana weydiiyay, balse waxay hadal iigu koobtay ” Waan arki doonaa bal
waxa ka yimaada dadaalkeyga”.
Intaa kadib ayaan inta hadaladeeda jees jeeska u adkeysan waayay isaga
tagay. la hadalkeeda wax aan carro hor leh ahayn kama aan dhaxlin,
waxaanse isku qnaciyay in mar ay ahaataba aan ka adkaan doono qorshaheeda
qaabta darran.
Waqtigii ayaa is guray Jeceylkii na dhex yiilay aniga iyo Istarna waxa uu
gaaray meel sare, kullamadeena ayaa batay, qalbigeeda ayay xaqiiqdii si
aan hagar lahayn iigu furtay, waxa ay i tustay nolol macaan oo aan arag
inta aan dunida ku noolaa, la sheekeysigeeda iyo la kullankeeda ayaaba ii
ahaa farxad, oo wax aan siisan karo maanan arag, iyana si dhab ah ayay ii
jeclaatay, oo toban jibaar ka badan inta aan aniga jeclaa, way i aamintay
anna waan aaminay, way igu kalsoonaatay anna waan ku kalsoonaaday, taasna
waxay xiriirkeena ka dhigtay mid aan la loodin karin. iyadu waxayba
gaartay heer ay i tiraahdo “hadaan adiga ku waayo nolol iima jirto”,
waayo jaceylka ka sokow, reerkeeda ayaan xitaa xag dhaqaale ka taageeri
jiray, taasna waxay keentay in qoyska oo dhan ay ii xitiraamaan sida
amiir oo kale, anna waxaan mar walba ka ballan qaadayay in inta la iga
dhigayo iilka aan garabkeeda taagnaano doono, nolosheena iyo xiriirkeena
sidaasi ayay isugu xirmeen.
Haddii nolosheena ay muddo sidaa ku dhisneyd, ayaa waxaa la gaaray
waqtigii aan aniga sida aadka ah u sugayay ee bisha December, oo ahayd
xiliggii Istar ay ii sheegtay inuu yimaado dhaqtarka kaliya ee awooda u
leh inuu fiiqo indhaheeda, maalin ay tahay khamiis, oo bishuna ay ahayd
3, ayaa waxaan qabtay goobtii la iigu sheegay inuu fariisto ee agagaarka
Daljirka Daahsoo.
Markaan goobta tagay, ayaa waxaan weydiiyay dad meesha ka og dhowaa,
iyana iguma aysan daahin’e durbaba way ii tilmaameen. xaruntii ayaan
tagay, waxooga dad ayaa iga horeeyay’e waqtigeyga ayaan sugay, waxaana
ugu dambeyn u galay dhaqtarkii.
Markaan gudaha u galay, ayaanba la yaaba sida uu dhaqtarka u dhallin yar
yahay, iyo aqoonta uu leeyahay, kadib ayaan salaamay isna wuu iga qaaday
“fariiso” ayuuna igu yiri, markaan salka dhigtay, ayaa waxa uu ii yiri
“haye maxaa dhib ah oo ku heysta”, kadib ayaan bilaabay inaan bilow iyo
dhamaad uga sheekeeyo sida ay Istar ku indho beeshay iyo in dhaqtarka
kaliya ee daweyn kara uu isaga yahay, sida ay iyada ii sheegtay, durbaba
wuu gartay wuxuuna igu yiri “waan fahmay cudurka gabadha indhaha ka
galay, intiisa badanna xal looma helo, laakiin bal gabadha ii keen, si
aan u eego, ogowna hadii ay noqoto in indhaheeda wax laga qaban karo, in
lagaaga baahan yahay, $1000, si loogu hagaajiyo indhaheeda haddana waad
sii bixi kartaaa”.
Farxadii abid nolosheeda ugu weyneyd, ayaa i saaqday, waxaanaba aan ku
sigtay inaan sare jooga ka dhaco, aniga oo meel aan is dhigo la’ ayaan
kasoo baxay goobtii caafimaad ee Dhaqtarka, kadibna anoo faraxsan ayaan
gaarigeygii yaraa kusoo dhacay, balse in cababar ah haddaan farxad iskula
hadlayay, ayaa waxaan xasuustay inay jiri doonto caqabad dhinaca qarashka
ah, waayo lacagta xilligaasi uu dhaqtarka ii sheegay gacanta iiguma
jirin, hase yeeshee, waxaan is tusay inaan aabe ka qaato ama aan iraahdo
i deymi, inkasta oo aanan ogeyn waxa uu ka oran doono…