Raage Ugaas

 

Alle ha u raxmee wuxuu ahaa tusaalihii gabyaaga
• Haddaan ooyo naagaan arkoo, wax uma aaboobin
• Haddaan aamusnaadana qalbigu, ii askummi maayo
• Haddaan igadhyo maalana anfaco, ku il samaan maayo
• Haddaan ilaxidh seexdana hurdada, alalad bay dhaafin
• Haddan eegi dheer fuulo aan, ololo oon reemo
• Oon uubateeyana raggii, iigu iman maayo
• Abjac diday uluuli aan jid galin, agabar shay diid ah
• Hadduu timaha oogtaa ka dhigo, adari boodhboodh leh
• Ardaal nacas ah naaguhuba, wayska ogolaadaane
• Ina adhi jireed iyo mid aan, habartii awr goynin
• Aakhiro ragii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo
• Haddii uun la dayn Nabiyadii, lama idleeyeene
• Saw waxaan ilaawaba mid xumi, ima ogeysiiyo

X/doollo.com