Aanadii qansax badan

Ciise Suuley waa dilaaga ugu wayn magaalada Qansax-badan. Waxa uu qabaa ugu yaraan dhiiga shan nin oo reer Bigeysle ah oo uu aaminsanyahay inuu xaq ku diley. Waa nin aan qarqarkiisa qoriga ka rogin. Waxa uu aaminay Aakahan marwalba garabkiisa ka laadlaada, ee xiniyaha dheeraadka ah u yeelay. Aakahan duugga ahi waa kan ka dhigay Laandheere isaga oo awal Laangaab ahaa. Waa kan rag badan u duleeyay, waa shayga uu ugu jecelyahay xoolihiisa tirada beelay. Toban ilma adeertiis ah ayaa uu ka jecelyahay qorigan.

Waxa uu soo xasuusanayaa dharaarihii foosha xumaa ee uu ku magac dheeraa eraygan “Laangaab”. Dharaarihii meesha uu istaago la oran jirey Laangaab ee uu quursiga ku noolaa. Iyo imikadan oo uu yahay ninka ugu laandheeraysan deegaankaan lagana danbeeyo magaaladana isagu u arimiyo. Marka ay maskaxdiisu halkaa wareegayso waxa uu fadhiyaa masjidka kaabaddiisa oo waxa uu illanayaa kabo maas ah oo suundameed basoobey danbey kuleh.
Waxa uu fariistay meherad shaaha laga cabo oo kasoo horjeeda masjidka isaga oo doonaya inuu ka bogto xasuustaan ay maskaxdiisu usoo qabatay. Waa xusuuso marna macaan marna qadhaadh. Waa dharaartii uu reerkiisa ka xoreeyay reer Bigeysle, waana isla dharaartii uu daadiyay dhiig muslim ah waliba hal ma ahane dhawr nin ayuu raqdooda isku meel uga kacey. Waa dharaartii isaga la quursanjirey ee fadhigiisa iyo socodkiisa lagu dhaliili jirey, waana dharaartii madaxa loo saarey taajka halyeynimada.
Waxa uu gadaal ugu noqonayaa 30 sano kahor wixii dhacay iyo magaaladan Qansax-badan sida ay ahayd.
Waa tan xasuustiisii.
Kani waa Cabdi Culay oo maalmahaa baadiye kasoo galay. Waa duhur Cadceeddu aad u kulushahay, waxa uu kolba isku babinayaa cumaamad dhuuban oo uu qarqarka ku sito, midh sigaar ahna waa qiijinayaa.
Waxa uu lalansanayaa bacmadow wax ka culusyihiin, waana wax uu haaraamayo.
Markaas ayuu lugta soo furtay, halka uu u socdo way fogtahay oo waxa ay u samaaxaysaa inuu isla hadlo. Isla hadal aan dani ugu jirin. Waayo su’aalo foolxun ayey hadba usoo qabanaysaa naftiisan xumi. Wuu haaraamayaa oo quus istaagayaa, oo ciil dibnaha isgoosanayaa markaasay markale su’aal qurux badan waydiinaysaa oo yoolkii ku furnaa aayar ka daboolaysaa kuna maslaxaysaa.
Waxa uu eeg eegayaa bacdii madoobayd gacantana wuu gelinayaa oo hadba duub soo qabanayaa, oo si wacan u eegayaa “wallaahi ma xuma!” Inta uu hoos ka yiraahdo ayuu halkeedii ku celinayaa.
Wuxuu ku warhelayaa: ” immisuu ahaa maanta? Markuu madaxa kor usoo qaado ayuu ku warhelayaa mid wadada taagan oo su’aashaa ku xadaya. “Qaalli buu ahaa bela cuntaygu” ayuu tartiib ugu jawaabayaa.
Ma doonayo in lasoo xasuusiyo lacagta badan ee kaga qasaartay laamaha uu maanta soo iibsaday, wuxuuse isku ilowsiinaya murqaamka uu qaadka ka heli doono iyo asxaabta uu la sheekaysan doono.
Markale ayey su’aal adag naftiisu waydiinaysaa; maxaad lacagta intaa le’eg ugu qasaarisay? Maad qaar kala hartid.
Lixdan dollar oo markaa usoo dhacdey ayuu laba shey oo dhar ah ka iibsaday inta kale waa kan bacdan madow kusita. Murqaam ayuu ku bedeshay lacag dhan afartan iyo shan dollar. Waa arinta uu is ilawsiin waayey. Mar kaliya niyadiisa waa ka saari waayey, markale ayuu bacdii indhaha ku celiyey. Markaan wuu saluugay oo lacagtii faraha badnayd xoogaagan jaadka ahi waa ilowsiin wayday.
Waxaa xasuustiisa kusoo dhacaya arimo uu isdiidsiinayo. “Kii yaraa waa tuu cagaagnaa, kan geela haya ruuxiisu aratir waa ubaahnaa, war bal waxaa eeg!! Islaanta ruuxeedu kaloorad soo gad waa tii kulahayd…” hawlo badan oo qabyo ah ayaa kusoo maaxanaya se ma doonayo inuu xaliyo illaa uu bacdaan madow furfuro. Waxa ay markale naftiisu u sheegaysaa inuu caaq yahay. Haa caaq caaq ahaadey inuu yahay!!. Isaga ruuxiisu waa aamminsanyahay inuu caaq yahay se afkiisa masoo marin karo. Waxa uu isku qancinayaa inuu Laandheere yahay, sida uu rabo inuu u dhaqmana ay haboontahay.
Meeshii uu u socday ayuu soo gaaray, luuq yar ayuu kasoo jarayaa xawaare dheereeyana waa ku soconayaa. Waxa uu kusoo wajahanyahay guriga Aadan Faruur oo ay isku reer yihiin. Waa halka uu usocday markii horeba. Waa guri raggu isugu yimaado oo lagu qayilo. Kaftan, muran, cay, qabyaalad iyo falanqayn siyaasadeed oo runtu ku yartahay ayaa gurigaan lagu hayaa. Waa guri ka kooban afar Maqsin. Maqsin kaliya oo ay wax khayr kasocdaan majiro, ilaa iyo in doora xitaa salaad laguma tukado. Heesaha qaaciga ah iyo kuwa danbeba waa laga shidaa. Qadada bacdigeed ayuuna cammirmaa gurigani.
Maqsinka uu foodda soo galiyay waa halka ay ku jiraan rag ay isku reer yihiin oo reer Bigeysle ah iyo kuwo ay dood wadaag yihiin. Kolkuu foodda soo galiyay waxa uu arkey rag badan oo ay is waji garanayaan wuu faraxsanaa illaa uu xagal qumman indhaha wareejiyay. Kolkuu halkaa marayo ayuu arkay Ciise Suulay oo halkaan kasoo eegaya.
Wuu noqday oo debedda istaagay, wuxuu damcay inuu qol kale iska galo illaa uu Aadan Faruur kasoo dabakacay oo gacanta ku dhegay.
“Inaaderow qodhaa iyo xeradaa ninkaa ha ila fariisin dhiiggiisaa ii hillaacayee..” ayuu ku tiraabey Cabdi Culey.
Wuu fahamsanaa inuu ninkani Ciise jirdiidayo. Ma uusan la murmine waxa uu yidhi: “saaxiib hadduu maanta kula hadlo wax danbe ha i waydiin!.” Muran iyo maslaxad kooban kadib ayuu maqsinkii fariistay oo salka dhigay meel loogu talagalay.
Ciise Suulay waa ninka ugu laangaabsan inta meeshan fadhida iyo inta guriga joogta iyo waliba inta degan magaalada Qansax-badan, waase afyaqaan afmiishaar ah oo aan hadal lagu loodin karin. waxa uu u fadhiyaa sida laangaabka!. Waxa uu qaayibey sifadan baas ee wax uu ku mutaystay aannu garanayn. Isaga iyo Cabdi Culey wax badan ayey doodeen oo is afdhaafeen iskuna xanaaqeen. Isma jecla mana heshiiyaan.
Cabdi Culey waa afgarooc aan hadal badan aqoon ilaaqdana looga roonyahay. Ma doonayo inuu Ciise la hadlo waana nin dabeecad xun oon hadalka badan xammili karin.
Qosol iyo qaraaxo badan iyo kaftan aan xanafi ka marnayn ayaa la isdhaafsanayaa. Labadaan nin islama hadlayaan oo murankooda oo dorraad aad u xumaadey ayaa keenay inaysan wada hadlin maanta, Aadan Faruur baase sheekada furfuraya oo ragga udhaxeeya. Ciise waa nin haddii mar la taabto aan laga garhelayn oo afka hadduu furto kan kasoo horjeeda hadal ku dawakhiya. Kelmadihiisa xoogxoogsaday oon xanafta iyo qosolkuba ka madhnayn ma jiro cid u dulqaadan karta. mid isaguna muran badan oo loo arko kan ugu laandheeraysan inta fadhida guriga Aadan Faruur ayaa soo galay.
Waxa uu fadhiyay qolka ku xiga oo isaga jaadka waxaa u dheeraa badeecad iyo waxyaalo kale oo uu cabayey. Raggii intuu indhaha marshay ayuu midh sigaar ah shaxaadey. Markii uu sii baxayey ayuu isaga oo afka sigaarkii ku haysta qarxadna jeebka ka baadhaya hadal hoose ku tuuray Ciise oo iridda meel u dhow fadhiyay. “Laangaabkii ayaa fadhiya” ayuu hadal hoose ku yiri. Waa hadal kufilnaa inuu Ciise maqlo inta kale se yeelkood.
Ciise waa laga helay kaftankii waana lagu qoslay, waxaase qosol uu aad ugu dheeraystay laga maqlayey Cabdi Culay afkiisa, isagoo la moodo inuu gunta ka qoslayo. Waaba ka qoslayaa!. Cabdi Culay wuxuu ninkaan ka tirsanayaa dood dorraad ku dhexmartay gurigaan ruuxiisa. Waxa uu si toos ah usoo xasuustay hadalkii uu ka xanaaqey oo ahaa “afgaroocu waa maangaab” hadalkaas oo kaga yimi Ciise.
“Doqontu waxay ku qososhaa wax rag ka aamusay meel lagu kaftamayna in lagu diriray bay moodaa” ayuu Ciise si degan ugu nuuxnuuxsaday. Waa hadal qurux badan aanse ufiicnayn dhegaha Cabdi Culay. Muran dheeraadey kadib ayuu abley iska soo jaray Cabdi Culey. Waxa uu go’aansadey inuu rubada ka daro, oo dhiigiisa dhulka uga leexdo. Ma aysan dhicin oo rag baa isku duubey oo kala dhexgalay. Waa hadal uu quursanayey Cabdi uusanna ka filanayn nin sida Ciise Suuley u laangaabsan wuxuuna isku dabakhayey maahmaahdii ahayd ‘ninkaa xogwayni hortaa buu xanaaqaa’. Kama xoog roona waase ka ilma adeer badnaa.
Ciise Suulay aad buu u muransanaa. Waxa uu iswaydiinayey eraygan “Laangaab” waxa uu soo xasuusanayaa hadalkii galabta ee kii xumaa dhegaha uga shubay. Waxaa kaloo xasuustiisa aan ka madhnayn bakhbakhdii Cabdi Culay. Shaydaanka ayaa dhawr mar tusay inuu ficil kaga aarguto hadalkii kharribnaa ee uu galabta soo maqlay. Waxa uu fadhiyaa cooshad xun oo walaashii Caasha Suuley casho ku karsato. Waxa uu sidookale soo xasuusanayaa Cabdi Culay oo ay maalin hore murmayeen isagoo maanka ku haya in kii hadalka xun ku yiri iyo Cabdi Culay ay isku reer yihiin.
Waxa uu istusay inuu ficil kaga aarsado, hadana waa ay la noqon wayday. Waxa uu u turay jeeskiisa yar. Waxa uu iska dhaadhiciyay in haddii uu reerahaas aano ka galo reerkiisan yar la dabar jarayo.
Waxa uu ku fekerayaa dhawr laamood oo uga soo haray xoogaa qaad ah oo uu maanta u qaadey mid ina adeerkii ah.
Waxa uu sidookale aaminsanyahay in cid aan ina adeerkii ahayni wax tarin. Magaalada oo dhan ayaa ula muuqatey mid hagardaamo mooyee aan wax faaiido leh u hayn. Dadka ku nool degmada oo u badnaa beesha Cabdi Culey oo reer Bigeysle lagu garan ogaa ayuu istusay inay yihiin cadow. Cadow kaliya ma aha, waxay ula muuqdaan guumasayste madow!.
Ciise hadalku wax mayeelo inta badan waxaase utun ku noqotey ragga asaagiisa ah ee garbaha badani dhinac tuban yihiin ee kolka uu doodda kaga raayaba hubka iska soo jaraya, dhawr mar oo horena naftiisa handaday.
Waxa ay ahayd dulmi iska cad, waxaa la aaminsanaa in reer Xareed ay yihiin Laangaab aan biyo ismarin meel walbana ay ka mudanyihiin dadka kale. Waliba beel waynta reer Bigeysle.
Waxaa goor barqo ah cusbitaalka magaalada la keenay wiil dhalinyaro ah oo Ciise adeer u yahay. Waa nin naftu ka sii wiririglaynayso. Afar nabar oo toorrey ah ayaa kaga yaal dhabarka. Waxaa nabaradan gaystay wiil uu dhalay Cabdi Culay, waa dil qorshaysnaa oo uu abaabulkeeda lahaa curadka Cabdi Culey. Cabdi Culay ruuxiisa lama ahayn arin foolxun, waaba la saxsanayd.
Goor casar gaaban ah ayaa wiilkii dhaawaca ahaa oo hadhimadii naf baxay la aasey isaga oo aan la iswaydiin sababta loo dilay iyo cidda dishay. Ma ahayn arin in la isku daaliyo u baahnayd. Cidda dishay iyo waxa lagu dilayba waa laga wada dheregsanaa, waxaase loo arkayey Laandheere nin Laangaab ah dilay.
In labada wiil ceel isugu yimaadeen oo ay ku murmeen waa la ogaa. In markii hore labada wiil ay legdameen oo ninkaan dhintay uu dibir iyo sabaaxad ku murxiyay kan wax dilay waa la ogaa. In wiilkan dhintay toorreyda lagu gaadey oo afartuba ay isku makaan kaga dhacdeyna waa loo jeeday.
Dilkaa kaliya ma ahayne waxaa jirey shan dil oo saasoo kale ah una badnaa wiilal dhalinyaro ah oo reer Xareed ah oo si saas u fudud lagu wada laayey. Waxaaba ka mid ahaa Aw dheerihii Ciise Suuley la dhashey ee qaarta iyo budhka sidii loogu wadey naftu ka haadey.
Hudheel wayn oo maalin walba oo arintan oo kale dhacdo lagu shiro ayey isugu yimaadaan odayaal ka kala socda labada reerood ee qaantu kala gaadhey. Waa shir aan mirodhal lahayn, hadiiba labada reerood aysan isku cudud iyo ciidan ahayn waxkaleba lama xeeriyo. Maantase waa ay ka duwantahay maalmihii hore, awal haddii la xaqdhawri jirey odayada imika way dhamaatey, haddii xoolo duug ah iyo waxoogaa mag ah la bixin jirey maanta waxar lagama dhawaajin.
Reer Xareed talo way ku cadaatey. Waxay arkaan in si badheedh ah loo xoogayo, loo laynayo loona dulminayo. Ciise Suuley beryahaanba lama arag, waana moogganaa dilka wiilka uu adeerka u yahay loo gaystay.
Goor casar liiq ah ayuu kasoo galay safar aad u dheeraa, isaga oo qarqarka ku wata hubka ugu khatarsan degmadadaan. Waxa uu soo galay magaalada isaga oo kolanyo caruurta magaalada ahi daba yaacayso waxa ay la yaabanyihiin waxaan uu tuurta ku sito oo aysan waligood horay u arag. Waa qori Aake ah oo daba laab ah oo uu safar dheer u galay. Si uu isaga rido dulmiga lala caadaystay ayuu hubkaan udoontay. Shan neef oo geel ah oo irmaan iyo gaane leh ayuu kusoo bedeshay hubkaan. Deegaan aad u fog ayuu kala yimi, waa reer abtigiis oo qoriga oo shantaa halaad ka qaalisanaa ugu bedelay.
Waxa ay ahayd guul usoo hoyatey reer Xareed, waayo waxay heleen waxa ugu qaalisan ee rag la isaga dhiciyo. Ciise oo awalkii horeba loo arkayey aftahanka reerka imika waa halyeyga reerka.
Beesha ay is hayaan haka tiro badnaadaan oo haka rag badnaadaan oo haka geesiyaal badnaadaan se mahaystaan qorigan Aakaha ah oo kale. Hubka ugu wayni waa Ableyda iyo garuunka madax buurka ah. Waxaa hubka deegaanka looga waayey dawladda wadanka ka talisa oo ka mamnuucdey darteed.
Sababta uu hubkaan u doontay ee uu dharaaraha badan jiif iyo joogba uga qadey ee milic iyo mugdiba umaray waxa ay ahayd inuu reer Bigaysle ka xoreeyo reerkiisa, haseyeeshee wuxuu aaminay in Laangaabnimadu ay tahay wax uu uurka hooyadii kala soo baxay. Isma lahayn way kaa hari doontaa.
Cishadii uu gurigooda u soo hoyday ayey raggii xoogga ahaa iyo odayaashiiba gurigiisa ugu yimaadeen. Cidna kama warhayn inuu qori doontey waase la ogaa inuu dhawr tuldood kaxaystay. Wan wayn oo galaalan ayaa loo loogay, qorigana waa lahu quraan saarey guusha reerka usoo hoyateyna waa loogu Rabbi baryey.
Waxba ma qarsoomaan e waxaa Ciise loo sheegay in wiilkii uu adeerka u ahaa la diley uuna diley kuray uu dhalay Cabdi Culey. Casho ayuu afka ku hayey markii hadalkaa uu u sheegay barbaar uu adeer ugu beegnaa. Sidii ruux margaday ayuu mar qura dajin kari waayey cuntadii. Ciil gaamurey oo ku raagey ayaa qanjaha soo istaagey.
Habeenkaa cidna waxba uma uusan sheegin, habeenkaasna hurdo way kala tageen. Indho isuma gayn laba iyo tobanka habeenkii. Dhawr mar ayuu iskula hadley inuu intuu qorigiisa ammaanka balaqdo mid reer Bigeysle ah shan cas laabta u geliyo. Waase la qurux badnaan waydey.
Waxa uu go’aankii u danbeeyay ku qaatey inuu berrito u qayilaad tago guriga Aadan Faruur. Waxa uu go’aan ku gaarey inuu Cabdi Culey ruuxiisa nafta ag dhigo. Ciilkii hore oo ciil lagu daray ayaa keentay inuu Cabdi kaligii dilo, se wali mahayo cidkale oo uu agdhigo Cabdi.
Cabdinaasir Findhicil oo Ciise ina adeerkii ah ayaa maalintaa aad u faraxsanaa. Waa kurey markaa madaxa qaadey oo geesi ah aan gaban. Waxa uu isu xilqaamey inuu Ciise qaad u qaado oo uu ku dhiirigeliyo inuu soo aargudo. Bac qaad ah iyo xoogaa lacag ayuu gurigiisa ugu keenay.
Waa kan ciise oo koodh aad uwayn la guurguuranaya. Waxa uu lalansanayaa bacdii jaadka ahayd waxa uuna usoconayaa sida Laandheere. Waxa uu ku wajahanyahay guriga Aadan waxa uuna maaganyahay inuu dhiig galo oo godob ugub maanta bilaabo. Dhiig ayuu doonayaa inuu dhulka ku rusheeyo, shaydaanka nacdalani na caleen qoyan ayuu u ruxayaa.
Waxa uu ilinka iska soo taagay qolkii ciriiriga badnaa ee laandheerayaashu fadhiisan jireen. Isha ayuu la raacey mise maxaa rag fadhiya. Waa intuu doonayey oo in lagu darey. Aadan oo isagu Ciise saaxiib la’ahaa mooyaane cidkale lama hadlin inay eegaan oo ka jeestaan maahane.
Isaga oo aan juuq oran ayaa lagu warhelay sanqar ugub ahayd iyo xabado dhawr ah oo meesha ka yeeray. Xabadihii ma joogsan ilaa qolka wax dhaqdhaqaaqa laga waayey. Ilinka intuu iskala taagey ayuu baas ku furey. Afar nin oo reer Bigeysle ah ayuu dharaartaa kaga taqalusay. Dhiiggaa mulacyeey qolka ilaa daaradda. Aadan Faruur oo debedda ku dhacey mooyee intii kale wuu kaga qallajiyey. Waxaa goobtaa ku naf waayey Cabdi Culey iyo sadex ilma adeeradii ah. Waxaa kujirey mid hadda kahor quursan jirey oo Laangaab ku oran jirey.
Reer Bigeysle waxay ku noqotey la yaab iyo fajac. Mar haddii afartii wiil ee ugu magac dheeraa uguna geesisanaa isku sakad la dhigey, oo halmar wiil afartaba isumaray, oo uu hadana wiilkaasi doonayo cidkale oo uu dilo waxay ku noqotey arin culus.
Saddex cisho kadib habeen aan dayax jirin cirkuna cusubyahay oo daruuro jiq ka dhigeen salaaddii maqrib kadib ayaa la maqlay hugunka rasaas tiro ka sadex jeer. Markiiba la garay in musiibadii Ciise Suuley ahayd ay caawana wax haligtay. Waxyarkadib mise nabadoon Cabdul Garwac ayaa masjidka hortiisa waran. Naxdin iyo anfariir badan ayaa laga qaadey dilka nabadoonka waase la ogaa inuu Ciise yahay ninka aduunka ka qariyey nabadoonka.
Illaa iyo maalintaa kadib waxaa Qansax-badan Laandheere ka noqday beeshii Ciise ee reer Xareed oo awoodooda uu tusay Ciise. Sanad kadibna waxaa xabaddu saloolatey ina Cabdi Culey oo ahaa gacan kudhiiglihii laba sano kahor inanka tooreyda u nacey. Markaanse cidda xabadda qaniinsiisay ma ahayn Ciise ee waa barbaar uu qoriga kusoo aaminay uuna soo tilmaamay. Muranba kama dhalane isagiina la aas.
Dharaartaa kadib ayaa odayaashii magaalada Qansax-badan go’aansadeen inay kala dhexgalaan labadaan beelood ee isku aakhiro seegay. Shir aad ubalaadhan oo magaalada duleedkeeda lagu qabtay ayaa la isugu yeeray waxgaradkii labada beelood. Goobta shirku ka dhacey ayaa la oran jirey Xamurwayne. Sidaas darteed shirkaa waxaa loogu magacdarey Xamurwayne. Waxa uuna ekaa mid lagu kala nastey oo badhaadho iyo nabad horseeday.
Soddon sano kadib maanta Ciise waa oday waayeel ah se wali qorigii ma dhigin. Inkastoo dadku ilbaxay nabadna lagu wada noolaadey oo la heshiiyay cidwalba qori waa ay haysatey balse nabadda ayaa laga doorbidey.
Ciise Culey oo markaa xasuustii soo afmeeray ayaa ku warhelay hugunka holac ku hoobanaya. Kuray uu aabihii dili jirey ayaa hortiisa jilba jabsan oo qori Aake ah qasnadiisa ku faarujiyay. Naftuba dhulka kulama dhicin’e markaba way ka duushay. Isaguna isagoo qasnadii faarujiyey ayuu dhanka bari afka saarey. Waxa ay la ahayd inuu maanta guul wayn gaarey, inuu u aargudey aabihii, inuu diley nin geesi ah oo reer Xareed ah, inuu so ceshay sharafta reerkiisa waana tan keentay inuu afka inta kor utaago talaabada qunyar uqaado qoriga afkiisana dhulka aadiyo oo uu laad-laadsado. Garashadiisa xumi marna way tusi wayday inuu oday xawj ah diley, wayna u muuqan wayday ceebta uu tolkiisa usoo jiidey markii uu diley oday isaguba iska dhiman lahaa.
Barbaarkan yari dabna waa shidey, wax la qaatana kuma shidine xawj ay ka dhamaatey ayuu gacan ula tegey. Wuu garawsadey inuu ilduufay markay tolkiisu habaar iyo haaraam kala daaleen. Wuu isnacay markii la gudoonsiiyay billada ceebta iyo aano xumada.
Aanadii ugu xumeyd ee geyiga ka dhacdey ayey noqotey dilkii Ciise Suuley. Ma ahayn wax dhaqan u ah bulshada deegaankaas in la dilo duq sida Ciise u waayeel ah. Duugtii Ciise Suuley magaalada Qansax-badan waxa ay ka dhigtay mid nabad ah. Inkastoo uu dilkani burburinayey heshiiskii Xamurwayne hadana waxay u ekeyd inuu dhintay hogaamiye qabiil oo aad u salwaynaa. Waa sida ay ku nuuxnuuxsanayeen kuwo aqoonyahanno ah oo reer Qansax-badan ah oo markaa debeda ka yimid. Waxa ay dadka ugu bishaaraynayeen dhimashada odayga xuudka ah, waxaana u darnaa labo reer Xareed ah oo iyagu ku hadaaqayey in laga raystay odaygaa iyo mashaqadiisii uu horseedi jiray.
Qansax-badan dharaartaa kadib waxa ay noqotey meel aad u degen oo aan laga maqal rabshad danbe iyo dilal qoondaysan. Inkastoo Goobbe Ciise Suuley oo markaa debedda kasoo degay uu la haaraayey qori iyo bistoolad Dhabanacas ah kuna hadaaqayey inuu wax dili doono hadana cidi waxba kama qorayso oo inuu fakhfakhle ahaa ayaa hoos la isugu sheegayey.

Qalinkii Axmed Nuur Xirsi
Email: serahmeddhowe@gmail.com
Facebook: Ahmed Nor Hersi