Qeybtii 13-aad

Cabaar hadaan fadhiyay, ayaa waxaa soo baxday Istar oo ilemeyneysa,

kadibna waxaan ku iri “oo maxaa kugu dhacay”, “aniga ma doonayo in

indhaha la ii fiiqo” ayayna iigu jawaabtay, “oo maxaa dhacay”, baan

haddana ku iri, balse way diiday inay wax ii sheegto, waxayna si kooban

ii tiri “marka hore guriga aan tagno, markaas ayaan wax walba kuu

sheegayaa’e”.

Dhowr goor ayaan isku dayay inay ii sheegto waxa ay ku diiday howshii aan

intaas dhib ah kasoo maray, hase yeeshee waxba waan ka ogaan waayay.

hadaan iyada ku daalay, ayaan u galay dhaqtarka, si isaga uu iigu sheego

waxa dhacay, isna waxa uu war iigu gaabiyay “ayada wareyso”.

Muran iyo dood dheer oo aniga iyo Istar nagu dhex martay xaruntii

caafimaadka kadib, ayaan isaga soo tagnay xaruntii dhaqtarka, markaan

guriga nimid, ayaan wa xooga dejiyay, waxaana si degan u iri “bal waxa

jira ii sheeg’, intaa kadib ayay wax aan la yaabay ay ii sheegtay taasi

oo ahayad, ayada oo igu tiri “dhaqtarka waxa uu i dhahay wax lacag ah

kaamka doonayo, indhahana waan kuu fiiqayaaa weliba si deg deg ah, balse

hal shuruud ayaa meesha taala, oo ah inaan ku guursanayo markaan

caafimaad u helo indhahaaga kadib, marka Xamzow, ihi..ihi…indho fiiqis

aan adiga kugu weynayo maxay ii tareysaa”.

Waxa ay xaqiiqdii noqotay sheeko aan si aad ah uga naxay, iyo arrin

fajaciso igu noqotay, “waa yahay Istar, waad mahadsan tahay, anna waan

sii baxayaa, macsalaama, hadduu ilaah yiraahdo habeen dambe ayaan kuu

imanaa” inta ku iri, ayaan isaga soo tagay.

Qorshaha cusub ee dhaqtarka baas uula yimid, waxa ay igu sii kordhiyeen

culeeskii saarnaaa nolosheeda, anoo xitaa aan garaneyn sida uu

dareenkeygu ahaa, ayaan gurigeena isaga oo laabtay, hadaan guriga imid,

ayaan bilaabay inaan dhameeyo sheekadii qabyada ii ahayd ee ku saabsaneyd

aniga dhalashadeeda, waxaan arkay walaakey Anas, oo meel oohin la

fadhiyo, isaga ayaan xog wareysigii ka bilaabay oon ku iri “Aboowe,

maxaad la oyneysaa”, intuu hab i siiyay oo uu isku key duubay ayuu i

dhahay “aniga aabe waa nacay, labadeena ayuu na kala fogeynayaa’,

markaasaan ku iri ‘aamus walaal, cid aniga iyo adiga na kala fogeyn karta

ma jirto, ee maxaad ogtahay ii sheeg”.

Anas ayaa markaa bilaabay inuu waxa uu og yahay igaga sheekeeyo isaga oo

ku bilaabaya “aboowe macaan, markaad baxday, kadib ayaa ayeeyo aabe

dhashay ee Caasho, waxay ayeeyo hooyo dhashay ee Xaliimo ku tiri

(wiilkeyga arrin xun ayuu sameeyay, ma ahayn inuu arrintan shaaca ka

qaado), markaasay ayay Xaliimo dhahday oo maxaa dhacay bal wax ii sheeg),kadibna ayay caasho ayaa dhahday (wiilkan Xamza ah, Xaaji Maxamed iyo

Maryan, ma dhalin, iyaga oo in ka badan 10 sano is qaba oo aan wax isku

dhalin ayay wiilkan heleen isaga oo 3 maalmood dhalan oo wadada lasoo

dhigay magaalada Hargeysa, kadibna si aan arrintan loo ogaan ayay

Muqdisho, usoo degeen nasiib wanaag markii wiilkan ay heleenba waxaa

calool galay oo isku xigsaday afar wiil oo iyaga ay dhaleen saddex hadda

maqan iyo Anas marka Xaajiga inuu arrintan shaaca ka qaado ma ahayn),

ayeeyo Xaliimana waxay dhahday (wax xun buu sameeyay) marka aboowe, adiga

waxaas waxba ha u arkin.

Sheekadii Anas, xaqiiqdii jahwareer ayay igu riday, anoo iska fekeraya oo

meel iska fadhiya ayaa aabe ii yimid, oo igu yiri “weli ma madax adeegii

ayaad meel la fadhidaa”, markaasaan dhahay “wax walba oo dhaca Hani ma

guursanayo”, isagiina hadal kale ima weydiin’e, waxa uu war igaga

bilaabay “igaga baxay guriga”.

Intaan kadib intaan boorso dhar kasooo buuxsaday, ayaan horey usoo qaatay

lacag aan heestay oo igaga hartay gurigii aan iska iibiyay iyo tii aan

ugu tala galay Istar iyo baasaboorkeygii ingiriiska, waxaana kadib go’aan

ku gaaray inaan dalka isaga tago oo aan UK ku laabto, islamarkaana aan

nolol cusub halkaasi ka raadiyo, waxaan kale oo go’aan ku gaaray inaan

Istar ku iraahdo Iska key illow!, maadaama caafimaadkeeda uu wax walba ka

weyn yahay haduu dhaqtarka sidaa taagan yahayna ay isaga iska guursato,

waa laga yaabaa in dad badan ay ku fekeri lahaayeen inaan qaldanahay,

balse wax walba waxaan u sameeyay jaceylka aan ayada u qabay, iyo inaan

doonayay inay indhaheeda u wanaagsanaadaan, aniga oo sidaasi go’aan ku

qaba, ayaan usoo dhaqaaqay xaafadda Istar, si aan waxa dhacay oo dhan uga

sheekeeyo………