Ku kastaba ka kale waa ka daran kiilka aafada’e
Kursi doonad koox uu watiyo kaligii noolaade
Kuwii xabsiga iyo kooladoo sidii komaandoos ah
Kuman jirriya kuman aan la garan kuman ashaamuuda
Kuman jidhaca kuman dool ah oo wada karaahiyaa
Kuman dumara oo qaatilada soo horkacayaala
Kumanyaalo keebkaa hayoo kaga kadhsiiyaala a
Kumanyaal kashiid iyo la baxay kaalax iyo moori
Kumanyaal kabada dhiiga kulul waa ka aadmiga e
Kumayaalo aan kala jeclayn kowsar iyo naarta
Kudkude iyo kutaaniyo dawaco aafo kala kaan ah
Kuman sixira kumanyaal asma ah faalka kuman sheega
Kun walibana usii jeelan yahay reeruu kadab gooyo
Intaasoo kun baa nagu tartami kaa anaa diliye
Hadba kii nahaystaa ratibi koox dad laysyo ahe
Kawaanada dadkaa maydku yahay sida karoorkaase
Soomaaliya kadeedkaa qabsaday kala jabkaa gaadhay
Carabkayga kuma koobi karo kaarka aafadae
Illaahii kitaabkii Furqaan keenayoow mahadle
Kadeed gabay Abwaan Gandaal
