Hal xidhaale

1. Maxaa looga jeedaa ”I qaad aan ku qaadee”?
2. Ninbaa safar aha ayaa wuxuu soo maray, meel tuulo ah, ka hor inta aanu soo galin tuuladii ayuu wuxuu arkay nin mayd ah oo la aasaayo, markaasuu yidhi ”Waar ninku ma nool yahay mise ma noola?” muxuu uga jeeday?

3. Maalin Ramadaan ah ayaa nin baa wuxuu soo galay, maqaaxi xaaraan lagu cunaayo, nin kaasi aad ayuu u gaajays naa, ka dibna wuxuu isku dhuftay laba koob oo shaaha, ninkaa ma ka jab-tay soontii? hadday ka jabtay noo sheeg siday uga jabtay.

4. Ninbaa wuxuu soo maray reer, ka dibna wuxuu waydiiyay, inay biyo u keenaan, markuu biyihii cabay oo weli biyihii wax badan uu gacanta ku hayo, ayuu waydiiyay haddana reerkii ”Biyo kale ma haysaan?” muxuu uga jeeday?