Asad: Waxaa la sameynayaa, inaad joogto, oo Xamzaha la baray uu yahay
midkeedii horey ayaa loo sheegayaa, kadibna waad is guursaneysaan?
Aniga: taasi waa waxaan weligeed dhici doonin.
Marka aan sidaa lahaa, oo aan diidamada muujinayay igama ahayn inaan
Istar nacay oo aan ka samray, si aksta oo aan ku heli karo waan sameyn
lahaa, haddana waxaan mar walba ka fekerayay sida ay noqon doonto nolosha
saaxiibkey, waxaan is tusay in maadama ay nolosheeda horey u guul
darreysatay oo aan ku dhowaa xiligaasi inaan wax walba iska ilaawo, aan
tan saaxiibkey dhiso.
Si kastaba diidmadeyda ma noqon, mid aan ku guuleystay, waayo Asad isagaa
diiday in Istar qof aan aniga ahayn uu guursado, isaga oo eegaya Jaceylka
baaxada weyn oo ay ii heysay iyo sida uu isaga isku samir siin karo,
maadaama uusan wax jaceyl ah u heyn oo ay ahaayeen laba qof oo waalid un
uu isku keenay, waxaana ugu dambeyn uu saaxiibkey Asad i ogoleysiiyay
inaan jaceylkeygii hore dib u hanto, oo aan la aqal galo, sidaas ayaana
isku raacnay.
Aniga iyo Asad, ayaa maalin ballanay si aan ugu tagno Istar, oo wax walba
loogu sheego. maalintii ballanta oo ahayd Jimce, ayaa marti qaad balaaran
waxaa lagu sameeyay guriga Istar.
markii la isku yimid oo saddexdeena aan qol ku kullanay, ayaa cabitaan
kadib waxaa sheekadii furay Asad, oo yiri “Istarey, waxaad igaga warantaa
Xamza, sida uu noloshaada ku ahaa, iyo hadaad hesho wax aad dareemi
lahayd”, intay wejiga hoos aadisay, ayay cod daciif ah ku tiri “Asadow,
ma murugadeeda ayaad iska jeceshahay, maxaad qisadaas ii xusuusineysaa”,
Asad ayaa isaga oo ka farxinaya yiri dabadeed, “murugadaada ma jecliyee,
maanta farxadaada ayaan wadaa” “hee, Xamza maad soo aragtay” ayay lasoo
booday, markaasuu inta qosol la dhacay yiri “haa waan arkaa Xamza, adna
wada aragtaa”, ‘maxaad ka wadaa” ayay haddana tiri, markaasuu inta warka
shaaca ka qaaday ku yiri “Istar, Xamzaha ku hor fadhiya, waa Xamzahaaga
oo dib kuugu soo noqday”.
intaa kadib ayaan aniga hadalka qaatay bal si aan u iraahdo erayo ay igu
garaneysay, misna codkeyga aan u fahamsiiyo anoo dhahahaya “haye
quruxleyda, Xamza waa aniga, waana kuusoo laabtay”.
markii ay intaas maqashay ayay durbaba garatay, inaan ahay qaaligeedii,
kadibna intay fadhiga si deg deg ah uga soo kacday ayay isku key duubtay.
qiyaastii in ka badan 30 daqiiqo, ayay sidaasi iigu duubneyd, ayada oo
ilmeyneysa, waxa kaliya ee afkeeda kasoo baxayayna ay ahaayeen, “Maxaad
igaga fogaatay, xabiibi”, anan waxaan lahaa “wax walba way qornaayeen
inaan isku soo laabanana way qorneyd”.
Intaa kadib waxaa halkaasi aniga iyo ayada nagu dhex martay sheeko aad u
dheer, oo aan isaga warameynay wixii dhacay, wax walba waan ka raali
geliyay, waxaana saamaxaadeeda gacan ka geysanayay Asad, oo sidoo kale
ugu bishaareeyay Istar in isaga uu ka tanaasualy arooska, oo jaceylkii
kala irdhoobay uu dib isugu ogolaanayo. warkaasi wuxuu noqday mid farxad
ku beeray qalbiga Istar oo ay aad ugu riyaaqday.
Istar ayaa sidoo kale ii sheegtay in arooskii dhaqtarka ee qasabka ahaa
oo cideeda ay wax la wadeen uu ku baaqday, markii isaga uu safar deg deg
ah ugu baxay dalka Jarmalka oo uu degenaa, kadibna aan miriqdiisa la
arag.
waxa ay ahaataba maalinkaasi waxa uu ahaa maalinkii farxadda Istar iyo
aniga. Istar wax ay mar walba igu soo cel celineysay, hal weer oo ahayd
“Gacaliye mar dambe ha iga fogaan”, anna waxaan lahaa “taas waa ballan ee
niyadda kheyr u sheeg”.
Waxa uu kullankeena ku dhaamday si guul iyo farxad ah, mar ay tahay casir
gaabkii ayaan guriga kasoo baxnay, Aniga iyo Asad, waxaanse aad ula
yaabay oo aan ka naxay, mar alaale markii aan albaabka kasoo baxeynay,
ayaan waxaan la kulanay gaari albaabka markaas soo istaagay, waxaana
kasoo degay saddex nin. si fiican ayaan u eegay, waxaana ka aqoonsaday
dhaqtarkii Istar daweeyay. waxay igu noqotay arrin lama filaan ah, markii
aan gartay ayaan wejige dhinac kale aadiyay si uusan ii aqoonsan, kadibna
sadexdii ninba guriga Istar ayay galeen, ani iyo Asadna waan iska soo
tagnay, waxaan is weydiiyay wax dhaqtarka soo celiyay, marbay igu noqotay
wax u eg dhalanteed, oo aan is iri waa indhahaaga, haddana waan
xaqiijiyay in indhaheyga aysan been ii sheegeynin, aniga oo aad u
fekeraya ayaan aniga iyo Asad iska soo tagnay…