• Waligii ma daahiro askari waa damiin falane
• Waanu kaba ducaystaa qofkii dinta caabuda e
• Dunidu maamul uma dhiibato iyo meel dad joogaba e
• Dibaddaa la geeyaa cidlaa lagu dugaalaye
• Derbi adag haddaan lagu xaniban daaha soo fuaraye
• Xakame yaa daqlaha loo dhigaa lagu daweeyaaye
• Wuxuu dalaayad ugu boodayaa waa dagaal gale e
• In la dilo inuu dilo ayaa loo diyaarsaday e
• Mana dallaco haddaan faraha dhiig uga dureerayne
• Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane
Sangub! Waa qayb ka mid ah gabaygii dheeraa ee uu u bixiyay “Daacad”.
