Dhaqtar & Nin cuqdad nafsi qabo

Nin xanuun iska dareemay ayaa dhaqtar u tagay
maalin, ugana war bixiyay dhibka iyo sida loo
hayo ama xanuunka uu qabo.
Dhakhtarkii oo hubsanaya sida loo haayo ayaa su’aalo
weydiiyay si uu u ogaado, xanuunka iyo waxa
ninka hayo waxay yihiin.
Dhakhtarkii wuxuu dareemay in ninka jirada
hayso ama cudurka uu yahay mid nafsi ah ama
cuqdad nafsi ee wax kaleba aysan jirin.
Dhaqtarkii ayaa marka talo u jeediyay bukaankii,
kuna yiri: Waxaan kugula talinayaa inaad
niyadaada ka dhaadhicisid inaadan xanuusanayn,
oo jiro dhan aadanba qabin, oo aad tahay qof
caafimaadkiisa taam ah, asagoo ula jeeda, jiro ma
qabtid ee niyadaada uun weeye.
Ninkii oo yaaban wax kale uu sheegana garan la’
intaas marku maqlay ayuu dhahay Waa hagaag
dhakhtaroow, asigoo hoos ka ganuunacaaya,
kuna jiro kan dhaqtar talo heynin waaye, ayuu
kursigii ka sara kacay dhanka irrida ayuu sii aaday, si
uu u baxo.
Dhaqtarkii ayaa intuusan bixin bukaankii ku yiri
Waar ninyahow waaban ilaawi gaadhaye, lacagtii
baaritaanka i sii. Bukaankii hoos ka
ganuunacaayay ayaa mar qura la soo booday
Dhakhtaroow, adigaba iska dhaadhici inaan
lacagtii hormaris kuu siiyay.