Waxaan go’aan ku gaaray inaan aado oo aan inta uu arooska Istar iyo Asad
ka dhacayo isaga maqnaado Dalka UK , si aan uga baaqsado inaan caqabad ku
noqdo arooskooda, waayo nolosheeda ayaa horey u bur burtay mana jecleyn
inaan tan saaxiibkey Asad baa bi’iyo, sidaasi, ayaana go’aan ku gaaray.
Intii aan aniga ku maqnaa qorshaha aan ku qaban qaabaniyay safarkeyga
dalka Ingiriiska, ayaa saaxiibkey Asadna, waxa uu ku maqnaa raadinta
arrimaha aniga iyo Istar. si kastaba waxaan ku guuleystay in muddo afar
maalmood gudahood ah aan ku diyaariyo safarka, waxaana xitaa ka qariyay
Asad, waayo waxaan ogaa inay iman doonaan su’aalo badan, uuna sinnaba u
ogolaan lahayn.
Subax ay tahay arbaco, khamiisna aan is lee yahay bal dhoof, ayaa
saaxiibkey Asad hurdada iga toosiyay xilli ay saacadda sii mareyso
sideedii subaxnimo, intaan dhinac isku gediyay ayaan eegay mise waaba
Asad, markaasaan inta soo fariistay ku iri “saaka, adigii hurdada
saaxiibka u ahaa baaba i toosinayee, maxaa jira?”, waxba hadal badan iima
gelinee waxa uu warka iigu koobiyay “orod biyo isku soo shub, isna
diyaari”, “waa yahay” intaan dhahay, ayaan haf kasoo iri sariirta, qubeys
iyo is diyaarin kadib ayuu igu yiri “ina keen”, waxaana uu ii kaxeeyay oo
uu i geeyay gurigooda kadib waxaa na dhex martay sheeko dheer oo u
dhacday sidan:-
Asad: horta Xamzow xalay ka hor waxaan kuu heestay saaxiib wanaagsan,
laakiin waa kaa hoos baxday, maxaad waxaan oo dhan igaga qarisay?
Aniga: Hee saaxiibow, maxaa dhacay?, maxaan kaa qariyay?
Asad; Waxaad iga qarisay noloshaada dhabta ah iyo wacadaraha aad aduunka
kusoo martay
Aniga: oo sidee?, oo hadda miyaadan wax ka ogeyn nolosheeda?
Asad:maxaad igaga qarisay, wixii horey idiin dhex maray adiga iyo Istar
Jaamac Dheere, ama haddaan si kale u iraahdo Istarta aan guursan rabo.
Markii uu su’aashaasi i weydiiyay ayaan aad u naxay, oo aan fadhiga ka
kacaya, anoo oranaya, “adiga maxada sameysay yaaq, yaa ku yiri arrimahan
tix raac, waan ku baryayaa Asad, waxaas waa tageen waqtigooduna wuu
idlaaday ee dib ha u raacin?
Asad: dib ha u raacin maxay tahay, wax walba oo noloshaada ku saabsan
waad iga qarisay, mideeda kale waxaad sameysay ma ahan wax loo dul qaadan
karo, gabadhaas Istar ahna godob ayaad ka gashay, imisa sano ayaad nolol
la’aan dhigtay ma garanee?, waxaan ku moodaya nin nolosha wax ka fahamsan
laakiin, jaahil baad ka tahay dhankaas.
Aniga: laakiin aniga wax walba dareteed ayaan u sameeyay, iyo
caafimaadkeeda?
Asad: taas caafimaad lama dhaho, haduu dhaqtarka sidaa sameeyay, waxaa
kugu filneyd odoo aniga isoo waca, islamarkaana inta is kaashano aan
gabadha dibedda kusuoo daweyno, markaad nolosheeda bur burineysay, middda
kale ma la socotaa indha la’aan ay kugu hesho, ayay ka doorbideysaa,
ayada oo araga kugu weysa.
Aniga: hadda waxaas waa ay dhaceen, anigana sidaa uma fekerin, ee waxaan
ku su’aalay adiga sidee baad kusoo ogaatay arrintan, ma ayadaa
wareysatay, oo waxaan ahay u sheegtay?
Asad: aniga ilaa iyo hadda ayada waxba uma sheegin, markay Xamzahan yaa
waayay iga bad badisay, ayaana ku iri “maxay tahay saameyta uu kugu lee
yahay”, way ka dhego adeegtay, laakiin ugu dambeysan wax walba oo
nolosheeda ku saabsan way ii sheegtay, sidaa ayaana ku ogaaday in Xamzaha
gabadha waalay aad adiga tahay.
Aniga: waa ok, hadaadan waxba u sheegin haddana gabadhaas way iska key
ilowday ee waxba ha u sheegin waan ku baryayaaa, taasaan kaa codsanaaa,
si guurkiina uu u dhaco?
Asad: hadaad mooday inay ku ilowday, walaahi baysan xitaaa toban sano
hadda dhiman ku ilaawi doonin, ileen waxaad gabadha uga tagtay,
qalbigeeda dhabta ah ayaadan fahmin, mideeda kale guur baad ka hadleysaa,
gabar Xamza qalbigeeda ku qufalan yahay miyaa nolol i isiin karta aniga?
Aniga: si kastaba gabadhaas noloshaas dib ha u xasuusin, hadda inay iska
key ilowdo ayay ku dhowdahay’e, adna nolol cusub oo farxad badan sii.
Asad:Istar, inaad joogto inay ogaato waa lagama maarmaan, waxaana kuu
sheegayaa, aniga xalay ayaanba nolosheeda iyo arooskeeda go’aan ku gaaray
inaan ka tanaasulo.
Aniga:oo maxaa marka la sameynaa?
Asad;, waxaa la sameynayaa, inaad joogto, oo Xamzaha la baray uu yahay
midkeedii horey ayaa loo sheegayaa, kadibna waad is guursaneysaan?
Aniga: taasi waa waxaan weligeed dhici doonin.
Qeybtii 18-aad.
