Waa tuducyo ka mid ah gabay uu kaga hadlayay soomaalida iyo aayaheeda dambe
• Gobolada Togdheer iyo Sanaag, taranka Laascaano
• Tubta Awdal toorahaas sariyo, tiigsashada Saylac
• Taliskaa Hargaysiyo fadhiya, tunanka Oodwayne
• Taabkii Garoowiyo Bariyo, Mudug taraarkeeda
• Galgaduud tusmada taala iyo, tan iyo Hiiraanba
• Jawhar tabargalkeediyo Muqdisho, toobiyaha hoose
• Taaladii Markood iyo Jubbada, tamashlihii Waamo
• Tartarada Bu’aaliyo goshiyo, Salagle taagiisa
• Teeriga Gadoodiyo Bakool, Baydhabadan taahi
• Soomaalidan kalataaganee, tobanba ceel aaday
• Ee shisheeyuhu kala tuurayee, tu walba loodiiday
• Allahayoow adaa taajiree, meel isugu toosi
• Oo nabad lagu tanaadiyo nasii, Dawladnimo taam ah
Abwaan Aabi duulaa
