Waxaan ku arkay dad igu cusub, kadib ayaan galnay qol waxaana noo soo
gashay gabar aad u carfeysa una labisan, hadaan sidaa u eegay, waaba
Istarteydii. Waxaan dhihi karaa wixii markaasi ka dambeeyay, ma garan
karo waxa dhacay, waxaanse ka xasuustaa in xaalka uu igu cakirmay, waxaan
xitaa ku sigtay inaan naxdin darteed la suuxo. daqiiqadahaasi, waxaan ku
asteeyay kuwii nolosheyda ugu xumaa uguna naxdinta badnaa, wejiga ayaan
hoos aadiyay, aniga oo ayada ka cabsanaya sidii qof ay aragtay oo ay
garaneyso oo kale. cabaar hadaan xaalkaa ku sugna, ayaa Istar iyo Asad,
oo kullankaasi uu u ahaa koodii labaad oo kaliya, sida uu isaga horey
iigu sheegay ay isa salaameen, kadib ayaa Asad hadlayoo, oo Istar ku yiri
“Gacaliso, wiilkan aan ku baro, waa saaxiibkey qaaliga ah, aniga ayuu ila
yimid, waxaa la yiraahdaa Xamza, Xamza adna gabadhan waa mustaqbalkeyga
iyo gabadha aan guursan lahaa, waa Istar”, markaasaan inta hadalka aniga
qaatay, waxoogaana codkeyga bedelay, oo warkan soo koobay ku iri “barasho
wanaagsan walaal”, waxaase aad u adkaatay jawaab laga helo dhankeeda,
waxa ay u ekeetay sida qof dambi gale oo kale oo fiiktaal ah, dhidid
baaba ka soo qubtay, wax hadal ahna ma aysan oran.
Hadii ay iyadii sidaaa ku aamustay, aniga aan eegmo ugu dhaqaaqay baa
inta Asad labadeenaba naga yaabay yiri “Istar, maxaad wiilka uga
aamustay, mise barashada ayadaan ku faraxsaneyn”, kadib ayay ayada oo aad
moodo inay cadho ka tan badisay tiri “Wiilkan xaguu deggan yahay”,
“deganaasho hanoo dambeysee bal horta is barta”, baa haddana Asad yiri.
Isaga inuu na iskaaya baro ayuu u hollanaa, iyana waxay raadineysaaa bal
inay Xamzahan ogaato, sidaaan qiyaasayayna shaki ayaa galay. hadii xaal
sidaa ahaa, ayaan aniga qidad cayaaray, si aysan ii ogaan, markaasaan
inta Asad la hadlay waxaan ku iri “Saaxiibow, wax yar i sug bal
banaankaan u baxayaaa”, “maxaa kugu dhacay” buu isna yiri “waxba” baan
iri anoo sii istaagaya, waxaana usii raaciyay “waan idiin soo noqonaa”,
“waa yahay”, buu markaa i yiri, kadibna waan iska baxay, waxaana toos u
abaaray, xaafadeyda.
Xilli ay tahay maqribkii oo kale, baa Asadkii guriga iga soo raadiyay,
kadibna waxa uu i weydiiyay waxa igu dhacay, balse anoo ka kor baxaya,
waxna u qarinaya, ayaan ku iri “war gabadha, soo taad aragtay inay xishood
la hagoogatay, marka waxaan is iri bal sheekada lamaanaha ha qasin”,
isagii baa hadalka qaatay oo i yiri haddana “nin yahow, waxaanba is iri
labadan qof ma horey bay isku garan jireen”, “oo sidee baan ku iri?”,
markaasuu i yiri “horta marka hore waxaan ka yaabay, sida aad u kala
xishooteen, tan kalena, markii aad naga soo tagtayba aniga iyo ayada wax
wada hadalo khaas ah oo na dhex maray wayba yaraayeen, oo intaas adi bay i
kaa weydiineysay, wiilkan yaa waaye, xaguu degan yahay, Xamza, maxaa
loogu daraa? iyo su’aalo kale, ayay raaxada igaga celisay?.
Ninkii saxiibkey ahaa ee Asad, naxdintii buuba igu sii kordhiyay, oo
waxaan is iri “armuu faalooyinkaaga oo dhan siiyay, oo isagiina wax soo
ogaaday’, markaasaan ku dhahay “haye ma u sheegtay marka?”, “maya” buu
igu yiri, waxaana uu ii daba dhigay “adoon kula tashin miyaan wax walba
iska sheegaa, sidee kaa noqotay ma jaahil baad i mooday?, kadib ayuu
saaxiibkey waxa uu igu yiri “nin yahow tuhunka aan qabo wax ma ka jiraa,
oo gabadhan horey miyaad isku garaneyseen?, “maya, weligeenba isma arag
oo galabtaaba iigu horeysay” baan ku iri, “, intaa kadib Asad, waxaad
mooday inuu wax walba labadeena waji uu ka aqristay, waxaana ka dareemay
tuhun aad u weyn, kadibna waxa ii igu yiri “ogow, hadaad wax iga qariso
maalin ay ahaataba waan soo saari doonaa”, anna waxaan ku dhahay “oo
haddayba jiraan waxaan kaa qarinayo soo saar”, waa yahay iyo waayahay,
baana ku kala tagnay.
Markuu iga tagay, kadib ayaan cabsi dareemay, waxana ogaaa in wax walba
uu ku ogaan karo oo kaliya, isaga oo magaceyga oo saddexan iyo xaafadeeda
u sheego Istar, kadib ayaan ka fekeray sidii aan uga baaqsan lahaa inaan
niyad jab saaxiibkey ku abuuro, waayo hadayba Istar ogaato inaan weli
noolahay oo aan wehel la ahay nin kale inayn ogolaaneyn baaa is tusay,
waxaana go’aan saday inaan inta uu arooskooda ka dhacayo aan UK isaga
maqnaado…