heestani waxay si kooban inoogu sharaxaysaa geela iyo dhaqashadiisa

geelaa markuu dararsan yahay laba nin dugtaaye
markay dirira hooraan geeduhuna doogaan
dalawada irmaan baa kugu diidin nirigtoo
godol dabac sanateegabna kuma daryeesheen
marti kuu madeeqdee
doobi laga ma buuxshe
geela markuu dararsan yahay laba nin duug taaye
marka doog dhamaade
dabaylaha xagaagii
lo’da dooxa jiiftee
dirgan weeyde socodkee
dalan dool dal kaa dheer
isagaa dagdag utagoo marna kaa ma daalee
geelaa markuu dararsan yahay laba nin duugtaaye
dunidoo ah jiilaal
goortay dameeruhu
ilmahooda diidaan
isagaa wax daaqaba
ugu noolal danbeeyee
diihaalka gaajada
isagaa u dul qaato
abaaraha ka doogo
geelaa markuu darar san yahay laba nin duug taaye