Waxbarasho!!

Marka shaqo kasta laga soo hoyo natiijo waxtar leh, waxaa ruux ama qof kasta oo ka dambeeyay guushaas shaqo nodaa mid yeesha sumcad iyo magac wanaagsan, isla markaasna kasbada amaan bogaadin iyo mahad naq looga soo jeediyo deegaanka iyo dalka guud ahaan, Wuxuuna noqdaa mid tusaale wanaagsan u noqda bulshada qaybaheeda kale.

Dhinaca kale, waxaan horay u soo baranay waxyeellada iyo dhibaatooyinka ay leetihiin ficillada xun ee caajiska iyo fadhi ku dirirnimada shaqo-quudhsi ama ma shaqaysi u leeyihiin heerka nolasha gaar ahaaneed, tan qoyska iyo tan guud ee dalka. dhaqamada noocan ahina waa kuwo kadhan ah, hawlaha hurumar ee lagu doonayo in lagu cidhib tiro saboolnimada iyo dib u hadhnimada dhaqaale ee dalka la dagtay mudada fog.

Shaqsiyaadka noocan ahina waa kuwo ku dambayn doona dulsaarnimo faqri dugsadaan. Hadaba, waxaa loo baahanyahay in laga foojignaado ficillada ma shaqaystenimada iyo tan shaqo-quudhsi ee lidka ku ah wax soo saarka iyo dhaqaalaha dalkaba.

Dhanka kale, dalku waa mid muddo dheer ay la dageen dagaallada, abaaro iyo dib u dhacnimo dhaqaale, taasina waxay ku reebtay raad xun oo u soo jiiday sumcad iyo magac xun indhaha caalamka hortooda. Sidaas awgeed, waxaa la dajiyay qorshayaal iyo barnaamijyo lagaga saarayo magaca xun ee lagu yaqaano ee saboolnimada iyo dib u dhacnimada. Hadaba, waxaa dastuurka, dalka ee lagu xusay ujeeddooyinka lagu hagayo dhaqaalaha iyo hormarka dalka si bulsho loogu haqabtiro baahida dhaqaale iyo ta bulshada ee ay qabaan, isla markaana loogu gaadhsiiyo si siman dhamaan qaybaha dalka oo dhan, fulinteedana wuxuu xil gaar ah ka saaranyahay xukumada. sidoo kale, waxaa shacabka laga sugayaa in ay ku garab galaan xukumada hirgalinta ujeeddooyinkaas kor lagu xusay iyo waliba sidii looga midha dhalin lahaa.