-Axmed:Yaa qarxiya muqdisho?
-Xassan:Al-Shabaab.
-Axmed:waayo?!
-Xassan:maxaa yeelay:
1.Iyaga ayaa sheegta mar kasta
2.Dadkuna waa gaalo agtooda.
3.Kaligood ayaa muslim isu haysta.
Ok.
-Yuusuf:Waxa qarxiya xukuumada.
-Axmed:Waayo?!
-Yuusuf maxaayeelay :
1.Iyaga ayaa masuul ka ah ilaalinta nabadgaliyada.
2.Marabaan in ay sifiican uula dagaalamaan Alshabaab.
3.Qaar iyaga kamid ah ayaaba Alshabaab ah.
4.Waxaa cashuurta siiya qaar katiraan dawladda.
4.Dadka muslimka ah ee soomaaliyeed kuma dhaqaan diintu siday tahay oo halkii qofkii wax dila loo dili lahaa ayay xidhayaan.
5.Dadka wax qarxiyaa baabuur ayay wataan waana la tira koobi karaa baabuurta iyo cid iska leh balse iskuma hawlaan.
Ok
-Cumar:Waxa qarxiya carabaha.
-Axmed:waayo.
-Cumar:maxaa yeelay :
1.Iyaga ayaa afkaarta qalloocan soo galiyay wadanka.
2.Iyaga ayaa lacag ku bixiya Alshabaab.
Ok
-Ubax:Waxa qarxiya gaalada.
-Axmed:Waayo?!
-Ubax:Maxaayeelay:
1.Hubka iyaga ayaa sameeya oo warshadaha ayaa ka istaagaya haddaan dagaal dhicin.
2.Waxay rabaan in aanay soomaaliya nabed helin waayo waa cadaw.
3.Hadday ina jecelyihiin maxay inoo qaybiyeen?!
4.Sirdoonkoodii ayaa wadanka ka buuxa,qaar.minaafiqiinan ayaa u shaqeeya.
Ok
-Sahra:Waxa qarxiya inaga ama dadwaynaha.
-Axmed:Waayo?!
-Sahra:maxaa yeelay:
1.Waxaynu galnay cuqubooyin sida xoolo laxaday,dad gardarro lagu laayay,guryo xoog lagu qaatay,iwm kadibna tii ayaa dildilaacaysa.
2.caloosheenii iyo qalbigeenii ayaa xumaaday oo waynu is wada tafaafulnay oo waa lays nacay kadibna cadaabkii ayaa ina haysta.
3.Waynu tashan waynay oo qofkii xumaa qabiilbaa u hiilinaaya halkii qaladka ay ka joojin lahaayee.
Ok
-Warda:Waxa qarxiya culimada.
-Axmed:waayo.
-Warda:Maxaa yeelay:
1.Ma sameeyaan wacyi galintii loo baahnaa,mana qanciyaan dhalinta da’da yar ee ay qaldeen kuwa diinta ku qadhaabsadaa.
2.Iyagii ayaa kala wada qatbsan oo salaanta isqaadin badhkood iska daa in ay shaqo wadaagaane.
3.Malaha fatwo midaysa oo meel qudha laga hago,midkastaa halkiisa ayuu wuxu doono ka sheegaa..
Ok
-Muuse:Waxa qarxiya warbaaginta.
-Axmed:waayo?
-Muuse:mazaayeelay:
1.wax aan jirin ayay buunbuuniyaan oo dadka ayay niyadda ka xumeeyaan.
2.ma faafiyaan wixii horu mar ah ee soo kordha wixii xun uunbay eegtaan
3.Waxay ku shaqeeyaan aragti qalaad oo xataa sida aad ka aeagto magacyadooda waxa iska leh dadkale BBC waa ingiriis,VOA waa maraykan..kuwa yaryarna way ku hoos qadhaabtaan..
Ok.
-Axmed:Asxaabay waad ku mahadsantihiin qaabka aad uuga qaybqaadateen aragtiyaha tolmoon ee aad uuga falceliseen waydiintii ahayd yaa qarxiya MUQDISHO.
xaqiiqduna waxay tahay:Nin buka boqol u talisay.
Oo macnaheedu yahay dadkii tashan waaya waa loo talin xalkuna waa intan lasoo sheegay oo qayb waliba kaalinteeda ka soo baxda.
Tan iyo intaan ku kulmi doono
GARNAQSI