Maanso dhallaan 

 

Barnaamijka suugaanta Arbacada ee boggan dhugasho, waxaan maanta kus oo qaadanaynaa waxyaabo ay waayo hore carruurtu habeenki ku cayaari jireen, oo ah cayaaro suugaaneed aad u qurux badan, oo qaarkood aadan fahmaynin erayadooda. Waxaan ka soo qaadan karnaa midan soo socota.

Helley helleeyo
Helley dardaaro
Dardaaro looyo
Looyow dhulbahante
Dhulbahante dhiidhe
Dhiidhow sarreeye
Sarreeye xaamud
Xaamud haldubbo
Haldubbo ino
Inay daloolo
Daloolo danqar
Danqar hal-jabiye
Hal-jabiye waaqle
Waaqlow handhoodho
Handhoodho carmo
Carmoy guulaamo
Guulaamo gorayo
Gorayoy sandheeri
Sankaaga dheerday
Abkey ma dhuuxin
Abkale ma dhuuxin
Barrayska dhuuxay
Barrow barooro
Baroor ku subko
Ceelkii baraanbar
Ka bootin dhiso
Il bawd ku haye
Abeeso duuban
Alool ku duuban
Alaa fita nig