Gudcur baa dam igu yiri
God mugdiya dhax diisaa
Gogosheeydu taalaa
Gabre waa horuu tagey
Gaashaanle yaashii
i gardaadin jirey barri
U galbade dhulkoodii
Beydhabo ka guuroo
Xariir kii la kala goo
Kuwo aanan garaneeyn
Yaa igu gadaamane
Sakiin teeydu gooyn maleh
Goowrac iyo afkii maleh
Lacagtaan ku gadan jirey
Golayaasha siin jirrey
Gini jeebka kuma jirro
Ninkaan gacan u taagee
Garab keeyga midig iyo
Aan moodey gacal keey
Waa kaa i giir dhabey
Gablan talo aduun yooy
Waxaan guunyo badan iyo
Guul wade ahaadoon
Gaalo u shaqeeyaba
Oo gogol xariir iyo
Gaari raaxo wadan jirey
Gacan maran miyaa timid
Gabalan talo aduun yooy
Gocoshiyo xanuun iyo
Boholyoow ku galo iyo
is guhaadsi badanaa
Gadgadoon sariir tii
Maxaan gogoshi diidoon
gam,i waayey jiifkii
Caku gaaski nagu yiri
Garta madashu waa ani
Guushu waa xageenoo
iska dhigey nin geesiya
Goortuu na goowracay
Godka iilka nagu ridey
Gaabiyey warkii sii
Awal baan garaad li,i
U go,aanshey xaajada
Markii aan gudoomiye
Nin kaniini galam sada
Gartii aan u dhiib noo
Xaajada gorfee niri
Ma is dhiibey laan gare
Xeef qaraabkii muu gabey
Ahmed goowricii iyo
Ma wadaa dhirtuu gubey
Golihii ma eber baa
Ma galangal maran baa
Ma dix iyo gawaan baa
Ceelkii ma naga gurey
Shacabkaan gumaadnee
Nacfigoodi guranaa
Soo goostey xarigii
Nagu soo gadoomee
Xagee baan u guurnaa
-Abwaan Qaran-
