Qorrof dhurwaa iyo qandi libaax

 

Waxaa la yidhi baribaa nin gabyaa ahaa oo muxumed gaax wayd la odhan jiray oo lagu naanaysi jiray (Burjinni) ayaa soo booqday walaalkii furuur gaax wayd oo dagganaa meel fog. Markuu u yimid ayuu faruur walaalkii muxumed waydiiyay, su’aashan;
– Muxumed xaggeed carruurti kaga soo tagtay? markaas ayuu muxumed yidhi;
– Carruurti waxaan kaga soo tagay meel la yidhaahdo ‘Qorrof-dhurwaa’. Markaasuu faruur yidhi;- -Waar bahalka bannaanadi baaban kaga baxsan waynaye maxaad qorrofkiisana carruurta kala doontay”. Haddana waayo dambe ayuu faruur booqday walaalkii muxumed, muxumed baa sidi oo kale wuxuu faruur waydiiyay:
-Faruur carruurti xaggeeed kaga soo tagtay?
-Faruur baa yidhi waxaan kaga soo tagay meel la yidhaahdo ‘Qandi-libaax’. Markaasuu muxumed yidhi;
-Waar bahalka bannaanadi baan kaga baxsan waynaye maxaad qandigiisana carruurta kala doontay.

Qore. Maxamed sheekh shaafici (Af-guun)