Q-10aad sheekadii Godob-jacayl

 

Way soo boqooleen iyaga oo sii dhex jibaaxaya

kaymaha iyo juuqyada jiqa ah. kaftan iyo

haasaawe gacaltooyo bay shidaal ay waddada ku

maraan ka sii dhigteen. Goor ay tahay casar

gaabad qorraxdii baalka dhigatay godkeedii bay

ilihii Ramaas u soo dhaahdheceen. Waxay goor

fiid ah u yimaadeen reer ay hayb garanayaan oo

carisyada yaal. Reerkii baa soo dhaweeyey,

waxayna u loogeen wan Sumal ah, balse meel

maynan wada seexan. xili ay ku beegan

tahay labadii habeenimo, buu siciid ka soo

toosiyey Saafi aqalkii ay huriday. Waana

dhaqajiyeen, jarmaado xoog leh bay galeen.

Oogtii waabari bay dhumay dhinac ka

dhaafeen, waxayna tageen markay libdhadu soo

baxday dooxadii qowlo. Qowlo oo deegaan u ah

qoys badan bay soo dhex galeen. Gurigii Siciid

iyo oo ka mid ah guryaha Qowlo ku yaalla bay

dhankiisa soo abbaareen. Cabdullaahi Cali

Cismaan oo ay Siciid walaalo yihiin, dhawr

bahna ku qaba Qowlo bay, aqalkii bahdiisii……………………..

 

GODOB JACEYL | 47

 

yidhi” Haa, ayey ku tidhi. Waxa uu ku yidhi,

wixii aan jacayl kuu soo bandhigayey habeen

kuguma seexan maalinna kuguma

hadhsan. Qalbigii bukay ee aan kaaga

sheekaynayay ma ahayn ka aniga igu jira ee,

wuxuu ahaa qalbiga cabdirashiid ee iga

gudoon. Saafi oo degdeg wajigeedii u

baddelmay sagaal midabna yeelatay baa ku tidhi,

” Kaa guddoomay ee mid ayaan codsanayaa ee

yaan la i mehrinin caawo” Saafi oo dhako

faarsan baa go’aan degdega ku gaadhay inay

berri aroortii nabaddoonka u tagto. Arrintan

amakaagga ku dhalisay bay rabtay inay usoo

bandhigto. Waxay ogayd inay ka gar helayso,

haddii ay la gar dhigato. Laakin, codsigii Saafi

waa uu u cuntami waayey, Siciid. Dabadeed,

waa iska soo taagay codsigeeddii, wuuna ka

diiday. Iyaga oo murmaya oo is af garan la’, buu

u soo galay Daahir oo wadaadkii wada. Waxa

uu ku yidhi “Waakan sheekhii bannaanka taagan

e, ma soo xareeyaa? ” Siciid oo degdeg inay wax

ku dhacaan rabay baa yidhi, “Soo gal dhe,

sheekha.” Muran badan iyo dood dheer kaddib,

Saafi way ogolaatay inuu guursado,

 

GODOB JACEYL | 48

 

Cabdirashiid. Cabdirashiid oo la yaabban sida

ay wax usocdaan, jacaylkii Saafina la

bohoyawsan baa loo mehriyey, Saafi.

Jacaylkii sirta ahaa ee uu Siciid ku soo

khayaamay Saafi Ciid Bulaale, Waxaa uu

noqday mid lagu guulaystay. Saafi waxay u

dhashay Siciid 11 wiil iyo 6 gabdhood. Kaddib,

Cabdirashiid wuu dhintay, Saafi Ciid Bulaale oo

nool na waxay guryo waa wayn ku leedahay

magaallada Heego, iyada oo gabowday, da’na

ah.

Sheekadan oo ah mid dhab ah, xaqiiqana ku

salaysan, aniga ayaa ka qoray.

DHAMMAAD