Suugaanta dareenka

 

Sheekadii Godob-jacayl ee dhammaatay, akhristayaal waxaan dareensanaa inaad ka hesheen, waxaana ka muuqday sawir ina tusaya, awoodda jacayl iyo sida loola xidhiidho jacaylkaada dhabta ah. Waxaa kale oo ay ina tusaysay, doorka lixaadka leh, ee ay suugaantu ka qaadato jacaylka. Suugaanta oo jacayl lagu soo bandhigo, laguna xoojiyo waa arrin caalami ah, oo aan enaga Soomaalida ah gaar inagu ahayn, balse waa nidaam la aaminsanyahay in adduun weynuhu ka simanyahay. Haddaba, hal-abuurka dareenka jacayl xambaarsan wuxuu si dhibyar maansadiisa ugaga bogtaa in uu ku soo jiito gabadha uu rabo. Haddii ay cilado ama duruufo halis ah ay iskaga gudbaan jacaylkiisa, hal-abuur kasta wuxuu cuskadaa, oo ku ciil-baxaa maansooyin ay dadka kale madadaalo u isticmaalaan, balse isagu miisaan weyn ugu turan. Waxaa laga yaabaa in dhuuxa maansooyinkiisa loo adeegsado meel aan jacayl saasaba ka aloosnayn, waxaa laga yaabaa in tixaha hal-abuurka jacaylku ka keenay, in uu aayar mid kale gabadh uusan jecleyn ku shukaansado. Waxaa dhici karta in dhaantooyinka laga tiriyo gabayo jacayl ah, oo gabyaagii lahaa uu ku miyir beelay, sida gabayadii Cilmi-boodari oo kale. Si kastaba ha ahaatee, qofka tirinaya maansada jacaylka ah iyo midka iskaga luuqaynaya, waxaa u dhexeeya baac dheer, oo aan la sharxi karin, maaddaama oo suugaantu ay ku wada timaaddo dareenada kala duwan ee mar kasta ku soo mara, sida:- 

-Murugta, 

-Farxadda,

-Qiirada,

-Cadhada, IWM.  

Haddii aad jacayl la rafaadsantahay, waxaad badanaa akhridaa ama dhagaysataa suugaanta jacaylka, maxaayeelay waad ku nafisi, laakiin haddii aad murugaysantahay ama aad cadhaysantahay ma dhagaysan kartid mana akhrin kartid suugaanta ku salaysan dareenadaas. Taasna waxaa ugu wacan dareenka kala gaddisan ee kala xanuunka badan.

Ogaysiis

Akhristayaasha sharafta leh waxaan si xushmad leh ula socodsiinaynaa in aan billaabi doono Buugga sheekada (Hir-Jacayl) ee uu qoray Cabdiraxmaan Geesdiir Maano. Insha Allaah, waxay inoo billaaban jimcada tan xigta.