Sow la tebi maayo?

Nin daraawiish ka mid ahaa, gabayaa caan ahna ahaa, oo la odhan jiray, Buraale Cali Seexde, ayaa maalin maalmaha ka mid ah,, wuxuu dareemay in la xujaynayo. Dareenkaasi hadii uu galay Buraale wuxuu isku dayay in  uu is xujo furo oo u caddeeyo in uusan wax dambi ah galin. Gabyaa afmaal ah ayuu ahaa. Sidaa darteed, wuxuu tiriyay gabay toban (10) qodob ka kooban, oo uu isku difaacayo soono bandhigay. Wuxuu gabayga dhexdiisa ku sheegayaa raganimadiisa dhammaystiran, oo haddii la dilo ama uu darwiish ka baxsado in la tebi doono, wuxuuna ku kalsoonyahay inaan darwiish ka maarmin, sidaas awgeed ay tahay inaan la xujayn.

Wuxuu Daraawiishi oo dhan dareensiiyay in odaytinimadiisa, wanaaggiisa, deeqsinimadiisa iyo aftahannimadiisa la tebi doono. Haddii dhiilo timaaddo oo beesha col ku dhex dhaco wacdarihii xagga dagaalka ahaa ee uu muujin jiray in la tebi doono ayuu ku xijiyay. Wuu sii waday, oo wuxuu ku baanay in loo darsan doono gacan furnaantiisi iyo wax bixintiisi iwm. Gabaygiina waa kan ee akhris waxan.

Aadkay haddaan tago rag waa kala toloobaaye

Tartiib iyo wanaag iyo wax dhiib toobad iyo xaajo

Toban xaalo oon yeeli jiray soo la babi maayo

Tolla’ayeyda qaylada kolkii toga la xayndaabo

Tubihii haddii lagu dhacoo rorog la heenseeyo

Raacdada kobtaan tiirin jiray sow la tabi maayo?

Toban reero oo tabar lihiyo taawo iyo aano

Waxaan gaadhka soo tubay diraac uunku kala tiicay

Martidii tolkay qaadan jiray soo la tabi maayo?

Hadaan dhoobaweyn tabacno iyo tuba bannaankeeda

Bakaaraha hadaan tuunsho oon tu’iyo awrkayga

Arrintaan tashiilaba lahayn soo la tabi maayo?

Tub shusheeye niman kaaga yimid tolal kaloo gaara

Haduu fuluhu kaa tago intuu toogo bixin waayo

Tartiib iyo wax dhiibkaan lahaa soo la tabi maayo?

Tolkay iyo tol kale maalintii la isu soo tuuro

Baqihii haddii nalaga tago, tu Alle weeyaane

Rogaalkana kobtaan tiirin jiray soo la tabi maayo

Dhallinyaradu tooraha kolkay tubaha qaadayso

Kabdhoodkaa hadday wada tagtoo tamashle loo joogo

Tilmaantiyo habsamidaan lahaa soo la tabi maayo?

Togga webiga reeraha fadhiya adari taaggeeda

Intaasoo lawada tiirsanyoo lays tammadinaayo

Ogaadeenku siduu ii tixgalin soo la tabi maayo?