Allaha u raxmee Qamaan Bulxan iyo Gabay Sarbeeban
Libaax iyo waxaa seertay miir sogob dam’eeraade
Wuxuu yidhi samaan aan cabnee suluq ka dhawr miirta
Waxay tidhi sadkay gaan ba’ sane ha ina sooyaamin
Wuxuu yidhi si kas taad fashaba biyaha hayna wada seejin
Waxay tidhi armaad sibir-qaskaa sir uga jeedaaba
Wuxuu yidhi haddaad sidatan tidhi sahay ka qaadoo tag
Waxay tidhi inkas taad sidaa tidhi sayndhaw daynmaayo
Dabadeedna suluf tii lugtiyo galisay suulkiiba
Isaguna kusara joogsayoo madaxa saydh yoo dil