Qoys qoys gabadhoodii noqotay gashaanti qurux badan oo ka wada bidhaaman gabdhaha reerkaas, laguna magacaabay qurux badan. Quruxda gabadhaas ayaa laga wada ogaaday meel walba, oo reer waliba uu doonayay in ay qurux badan u guuriyaan wiilashooda. Qoyskii ugu dhaqaale fiicnaa dadkii halkaa deggenaa wiilkoodii baa u bandhigay aabbihii oo suldaan ahaa gabadha aabbeheed, ka dibna ku yidhi; “Waxaan ka imid reer in badan nabad iyo barwaaqo ku soo toosay, oo dhayda geela wada gaadhsiiya reeraha kale oo dhan, dhanaankana safriya, subagna subax walba ku qureecda oo habeen walbana neef qasha. Saaka waxaan u socdaa dhaqan soo jireen ahaa, waxaana kaaga fadhiyaa in gabadhaada qurux badan aad ii siiso wiilkayga oo ay in badan nala qaybsato nabadda aanu ku caana maalnay.
Gabadhii aabbeheed baa u jawaabay suldaankii oo ku yidhi; “Nabad baa raasamaal leh, saakana nabad baa isku kaaya keentay, haddii aysan nabadi jirina reer ma barwaaqoo been, gabadhna lama soo doonteen, qurux badanna lama dhaleen, guurna ma jireen, ee suldaan keligay go’aan ma gaari karo ee aan qurux badan hooyadeed la soo tashado”.
Qurux badan aabbeheed wuxuu u yimid gabadhi hooyadeed, ka dibna u bandhigay arrinkii suldaanka; “Gabadheena qurux badan maanta suldaan baa wiilkiisi u soo doonay, waxaanse ku idhi bal aan la soo tashado afadayda. Suldaanku wuxuu ka soo jeedaa reer aad u barwaaqaysan oo qiimo badan. Waana reerki aan ku aamini lahayn qurux badan. Maxaayeelay waa reer nabadgaliyo badan oo barwaaqo in badan ku hoyday, ee adiga maxay kula tahay?” Qurux badan hooyadeed baa ku jawaabtay; “Waxba kama qabo in gabadhayda qurux badan loo guuriyo wiilka suldaanka, waase haddii uu seddex nin midkood yahay; Nin hub la’aan dirira, nin hoy la’aan seexda iyo nin hanti la’aan dharga.
Qurux badan aabbeheed ayaa yaabay oo xaaskiisi ku yidhi; “Oo heedhe maxay sifooyinka seddexdaas nin kala yihiin?” Waxay ku jawaabtay qurux badan hooyadeed; “Nin hub la’aan dirira waa ninka aftahanka ah ee caqliga badan, marka uu khilaaf dhacana aan hubka la soo ordine af iyo wada hadal mashaakilka ku xalliya. Ninka hoy la’aanta seexdana waa ninka aan godobta , dhiigga iyo dhartoona aan dad ka galin ee xalay dhalayga ah. Ninka hanti la’aan dhargana waa ninka wajiga iyo magaca bulshadiisa ku dhex leh ee marka uu maal haystana wax bixiya ee deeqsiga ah”. Odaygii sifooyinkaas aad ayuu u garowsaday, wuxuuna ku yidhi afadiisi; “Allaylehe seddexdaas nin way ka muhiimsan yihiin ragga intiisa kale, seddexdooduna waxay leeyihiin tilmaamo wanaagsan iyo dhaqan nabadeed iyo samafal. Sidaas awgeed, way mudan yihiin in laga hormariyo ragga intiisa kale”.
Qurux badan aabbeheed wuxuu ku noqday suldaanki, wuxuuna u bandhigay shuruudihii qurux badan hooyadeed soo jeedisay. Suldaankii baa intuu dhoolla caddeeyay yidhi; “Wiilkeygu seddexdaas ninba wuu ku sifaysan yahay. Maxaayeelay reerka aan suldaanka u ahay hub waa ka mamnuuc, oo haddii ay hubaysan yihiin nabadba lama heleen, khilaafkooduna waxay ku xalliyaan wada hadal, haddii uu wiilkeygu godob qabana nabadba lama ahaadeen. Deeqsinimo iyo caddaaladna anigaa ku soo barbaariyay, oo haddii aanan deeqsi ahayn oo caddaalad falina reerkaba suldaan uma noqdeen.”
Markuu wiilkii shuruudihii ka soo baxayna, waxaa loo guuriyay qurux badan oo loo dhigay aroos dhaqameed midkii ugu qiimaha badnaa. Maalintaa ka dib, dhallintii reeraha kale waxay ku dadaali jireen in ay nabadda ka shaqeeyaan si ay u caano maalaan oo u guursadaan qurux badan oo kale.