Dardaaran

Waxaa mahad oo dhanleh Eebe nagu manaystay nicmooyinkiisa badan, nabad iyo naxariisina korkiisa ha ahaato suubanaheenii Muxamed ahaa iyo dhammaan inta raacda hanuunka iyo dariiqiisa suubban. Intaas kadib, waxaan salaamayaa akhristayaasha sharafta leh. Gabayga toddobaadkan waxaan u soo qaadanaynaa gabaygii cilmiga badnaa ee Sayidka, ee dardaaranka ahaa. Waxaan ka soo qaadaynaa qayb si akhrisku u fududaado.

Cirkaan di’in abaar daariyaad dunida oo qiiqday

Dayax ururka daariga ka maray dirirka oo liiqday

Marun buu daruuraha cusayb soo dibiriyaaye

Diiryaanka curashaa ku xigi daacigii samane

Mar uun buu darooraa intuu daadka soo rogo’e 

Bal dayaay duraaftaa horuu daafta mariyaaye   

Dumaa hoolmay diin xaalufay dooxadii noqotay

Marun baa daligaha dhulkii doog ka soo bixiye

Bal dayaay dunqaaraha baxaa dali ka dheeraane 

Nin daleensan inuu duukhay bay doqontu moodaaye

Inkastuu dunqaaraha kan dhacay dulegle caydhoobo 

Hawdeyrin deeqii Alluu dooc ka sugayaaye

Rabbi baw dawwara kaan lahayn duunyo iyo maale

Isagoo dirrida jiifsaduu dayrdhal soo heliye

Bal dayaay mar uun buu darfiyi deeqda caanaha’e

Nin dayoobay dayrdayr hadduu dawyadaw jiidho

Mar uun buu daryaankii ka bi’ i doorshay madixiiye 

Bal dayaay dal kuu dhaafay buu dib ugu laabtaaye

Sangihii diraw laga dhigee dibintu boogoowday 

Mar uun buu dankaaraha jaraa soo dur duriyaaye

Bal dayaay dabrada weerar baan daaqad loo heline

Dekankiis nin dawlada haddii duudsi laga yeelo 

Mar uun baa dawaarkii isrogay diiqadaw socone

Bal dayaay dawaa’iga marbey daa’iroow kiciye

Nin la dagay sidii doqon hadduu dacayda laalaadsho

mar uun buu dareemaa inaan darajo loo hayn

Bal dayaay markuu dida hayuu dayrka jabiyaaye…