Q-43aad taxanaha adeegto

Takhtarkii markay sii socdeen hadalkii ku bilaabay, “war nin yohow qalbi adkidaa, sidee baad ugu bareertay inaad inta bir qaadatid weliba khasab wax ugu jajuubtid, ma wax kalood yeeshaad weydey, haddaybase sidaa kaaga dabacday talo ama aadba u tabar weydey maad faraha isaga laabatid belada ku waddey xoog badnaydaa? Mise adaa nin sida u dhashaye caarranaantu u dabci Tahay ah?”

“Si kale arrintu uma dhacdeene anaa si kale ahaa. Waad i garatay baan u malaynayaa?” Cabdi baa yiri isagoo qoslaya.

“Waan ku gartay. Ha yeeshee mid meesha ku jirtey ma ahayn inaad haleeshay middida hilibka ood dabadeed sidaan arkay wax ku yeeshay. Aad baad u nasiib badantihiin adigiyo iyaduba, maxaa yeelay iyadoo mudda dheer laga joogey waqtigii dhaawacu dhacay ayna aad suuragal u ahayd inay teetano qaaddoy si sahlan u naf weydo bayan taasi dhicin dabadeedna aad kuba soo gaarteen in la helo lidka teetanada, oo hadda wayba qabtaa, nasiib badanaa ma dhurwaa baa!” Takhtarkaa yiri.

“Nasiib wanaagga hooyadayaa nagu dhashay miyaad nagu kuunyeysaa”. cabdi oo markaa aad mooddey in neefi kasoo baxday baa yiri.

Takhtarkii oo damcay inuu hadalka la sii wado ayaa mar uun wuxuu eegay xaggii tagsiilaha taasoo uu aad uga shakiyey haddiiba uu fahmi karayo afkay iskula hadlayeen. Isagoo aad u shakisan wax hubina ay ka tahay buu inta tagsiilihii garabka ka dharbaaxay ku baaray inuu bal afkaa isaga ah fahmayo iyo in kale, “you are not a bad taxi driver, right?” Tagsiilihii ma uu fahmin sidaa daraadeed wax ★ jawaab ahoo sidaasa kama bixin aan ahayn “waxaad tiriba lagu yiri”.

La garey inuusan fahmeyn afkii isaga ahaaye layskula hadlayey. lyadoon la hadal ayaa hoos loo wada farxay.

Baabuurkii mar alla markuu gurigii isasoo hortaagey ayaa laga soo wada boodey. Maryan aragtay in guri baaskii ay necbayd la hor taagan yahay. Mar bay waxay jeclaysatay inayan tagsigaba ka degine ay meel alla meeshuu aadayo isaga raacdo, haddana ahaan weydey oo iyadoo luga jiideysey ka soo daadegtey.

lyagoo is barbartaagan baa labadii nin Maryan sugayeen, inay inta guriga la galaan waxay u sheegi lahayeen iyo daawaday siin lahaayeen u qaadaa dhigaan. Iyadoo lays wada daba socdo mid midna loo galay ayaa gurigii laysku shubay. La sii galayey maahee Cabdi baa inta ka sii hor maray qolkii fadhiga u sii qalqaaliyey inay wada fariistaan kaddib markuu hooyaddii iyo ilmihii ka saaray.

Maryan oo quus joogta niyadduna digada tahay baa damacday salligay horayba ugu jiifsan jirtaye meel u muuqata yiil ku nasoo isku kala bixi, Cabdi baase uga yeeray kana duwey markuu arkay inay u hollatay, “Maryan, qolka fadhiga ina gee takhtarkaa daawooyin aad qaadan doontid kuu macnaynayee”.

Maryan intay soo dhaqaaqday bay qolkii loo tilmaamay takhtarkii ka daba gashay. Qolkii baa laysku soo shubay. Maryan oo aan weli xummaddii ka jebin, daalka, diifta iyo niyad-jabka ka muuqdaana qiyaas la’aa ayaa dhankii tuugadu ka soo jeeddey ma ahee dhankii kale ka soo jeesatey.

Takhtarkii oo nin belaayo ah iska dhigayaa warqado uu awal horey u soo qorqoray inta soo baxshey yiri:“ daawadaas baad qaadanaysaa sidaasna waad u qaadanaysaa, waxaan hubaa inaad dhakhso u biskooneysid”.

Intaa markuu yiri, ayaa inkastoy lama filaan labadoodaba ku noqotay, Maryan gocatay sida gabarnimadeedu u Baaba’day looguna ciyaaray iyadoon iyadu raalli ka ahayn inta la kufsaday dhegta dhiigga loogu daray taasoo ilmo soo dhaaftey. Inanimo maxay tahay? Waa asturnow, oo yaan lagu ajarin asluubta iyo anshaxa bulshadaadu ku siisayna lahow. Kuwaa jira iyagoon inamo ahayn haddana iska yeelyeela, dadkana isaga dhiga inamo kaddib markay ku tuntaan ama looga tunto, sida Maryan inanimadeeda. Usluub oranaysaa jirta ‘ama inan noqo ama afo haddii kale afka gooso.’

Maryan afkay goosatay iyaduse isuma geyne waa loo geystey, takhtarkii baa arkay inay ooyeyso, ilmana ka qubanayso, wejigeedu ma muuqane hoos buu u ganboonaa. Garbasaar calal ahee toltol badan bay madaxa ku sii duubtay.

Ninba meel baa u cad Maryan dhibaatada la walaalowdey bay la gubanesey. Cabdi waxaa u caddaa siduu isaga moosi lahaa ceebtaa. Way ka huleeleen inay wejigeeda arkaan. Takhtarkii markuu arkay waxa meesha yaal ayuu waraaqdii daawada intuu Cabdi faraha ka saaray u il jabiyey si uu isagana u diro. Cabdi wuu fahmey waxbana ma joog joogsane intuu kacay buu haddiiba lacagtuu heli karayey soo dhuftay. way dhammaan weydey taasoo uu hooyadii u tagey lana socodsiiyey dhibaatada meesha taal iyo siduu u rabo inuu isaga mooso.

Habartii intay u riyaaqday ceebta la awdayo bay faraha ka saartay lacagta intii ka dhimanayde uu sugayey.

Waxaa lama illaawaan noqotay hadal habartu tiri markay lacagta Cabdi u dhiibeysey, “hadda wax besabeseysaye ilaa meeqaad wadi hawshan? Sow berriba sidaadii iyo si ka daran ma yeeli doontid? Maryan weli waa joogtaa adna biyihii deyn meyside ma ogtahay taa?”.

Cabdi si qof naxay intuu iska dhigay madaxna hooyadii tusay buu lacagtii iacararay, “Takhtari maqal, waa inaad naga war qabtid, maxaa yeelay cid ama takhtar kaloo aan arrintan tusayaa ma jirtee waa inaad ogsoonaatid si fiicanna ula socotid. Haddaba ogsoonow hadday fakato inaanan dembigan keli ku ahayne aad adna ila wadaagtid,” Cabdi oo markaa sidii hore dhaama ayaa yiri.

Takhtarkii oo dhanka lacagta aad uga faraxsan dhanka dembigana ogsoon baa inta wuxuu haystey isku urursaday hadal la’aan dhabbaha laba ka dhigay. Cabdi baa qaadan waayey taa oo inta gacanta ku soo dhegey yiri, “Takhtar ma kuu dhaadheceen waxaan ku lahaa mise waan kuugu ceshaa?”

oo xitaa hadday la noqoto diyaar wuxuu u ahaa inuu Maryan dilo, takhtarkana waxaa u cad qaddaadiicda loo sheegay iyo siduu weliba ugu nabad geli lahaa ceebtana uu u aasi lahaa.

Maryan markay cabbaar meeshii hiqhiqlahayd lagana guri waayey ayay iska aamustay. Madaxa waxba kor uma qaadine ciddiyeheeda cageed bay farfaratay iyadoo kaba dhaaratay inay marnaba kor u soo eegto kii kufsaday iyo takhtar ku sheegga cawcaw leh.

“Mayee, waan gartay, anigaana maalin-dhaaf idiinku imaan doonee taa ha ka cabsan. Waa sidee ma qof aan aammin ahayn baan kuula ekaaday,” Takhtarkii baa yiri.

“Maxaa datoore ama takhtar laguu leeyahay haddaadan sidaa waxgarad u ahayn!”

“Mar kastood timaaddid haddaan joogo waan joogaa had’dii kalena waxay ila tahay inaad garaneysid sidaad wax yeeleysid iyo meeshaad wax marin lahaydba. Ma aad moogid baan filayaa in aynu dembigan wadaagnee waa in aynu wada guntanaa, mise ma aha?” Cabdi baa yiri.

Takhtarkii oo si u tartuuqsan lacagtana qaadi la’ baa intii hadal kale laga sugayey yiri, “waxaan idin weydiiyey, waxan oo lacag ah sidee baad guriga ugu haysateen? Mise bangigaba lacagta ma dhigtaane barkimooyinkaad ku laabtaan? La yaab ma lihidinoo annana waanu shaqaynaa idinna waad xaddaan”. “Dawdaw, soo bax baa la leeyahay oy sacabka leefeysaa! Adeer ma xoogaaga lacagaa ku maskax martay waadiganoo waalataybee?” Cabdi oo qoslayaa yiri.

“Mayee waxaa yare ila cuslaaday sidaad haddiiba si sahlan Toddoba kun oo shilin ula soo booddey. Anigu kala garanmayo tuug iyo mushtar isba waa tuuge, mid aad tahay,” Takhtarkii baa yiri.

Markan laysla hadlayo guriga dibadda ayaa laga joogaa oo labadooda uun baa is maqlayee cid kale war uma hayso waxay ku murmayaan.

“War ila dhaaf arrintiyo hadallada sarbeebanoo hadalladaan ku lahaa maxaad ka yeeleysaa? “Cabdi oo meeli gubanaysaa yiri.

“Goormaad adigu wax garataa, illeen dheg weyn baad tahay aan dhaqso wax ugu dhaadhicin ilaa loo bayaaniyo. horaan kuugu sheegay haddana waan kuugu celinayaaye aad u dhegeyso. Anaa imanaya, waana daaweynayaa miskiintan, waan ogsoonahay in aan kula wadaago dembiga, waana ka feejignahaye taa la soco. Ma ku deeqday intaasi mise weli waad ooman tahay? Hal baase iga su’aal ah, haddaad sidan fuley u tahay maxaad dadyowga ilmahooda u qalaneysay?” Takhtarkii oo sii socdaa yiri.