Cabdi isagoo sidii hore yare dhaama buu sariirtiisa aadey. Fiid horay ahayd weligeedna aan loo soo joogin Cabdi oo markaa oo kala soo seexda, dan baase soo seexisey cawadaas oo daal iyo muruguu la ciirayey.
Maryan inkastoy niya dilleyd haddana way iska gama’day habeenkaas maadaama ayan ilaa iyo xalayday ba’day il isa saarin. Habartii baas waa seexan weydey iyadoo qaadan la’ ceebta iyo magac-xumada reerkan u soo hoyatey. hadba waxay soo gocaneysey dhaqankay ku soo barbaartay ta iyada ula muuqdey mid dahab ah, maxaa yeelay may dhici jirin waqtiyaddii ee dad inta sakhraama wax xil leh faraha la gala. Filim aan dhammaaneyn baa habarta u shidnaa, dariishad bayna ka daawaneysey sidii laysu ixtiraami jirey, laysu xaq dhawri jirey, gabdhuhu u ahaayeen kuwo iyana dhawrsoon loogana haybaysan jirey. Way dhici jirtey inay mar mardhif ah iska dhacdo kufsasho, su’aashuse waxay ahayd waa kuma kan wax kufsanayaa?. Mid aan sinaba wax isugu falayn lana yaqaan inuu ceeb-u-joog yahay mooyaane cid kale uma hawoon jirin ceebtaa. Waa laysku ciqaabi jirey. Lama qarin kari jirin sida maantoo kale oo dadkaa si wada jirta anshaxa iyo asluubta u wada ilaalin jirey.
Sharad iyo qawaaniin u dhigani haddaba way jiraan in gefafka lagu ilaaliyo, ha yeeshee, dadkan wada xilkas ahayn oo sida badan dantooda ka marsada tan guud dhuuni-raac iyo dhoohanaan ayaana iska badan.
Habartii waagii baa dusheeda ka baryey, iyadoo indhuhu casyihiin ayaa la soo toostoosay. Cabdi kac oo arag in Maryan ayan saakana quraac samayn. “Isagaa qashaye yuu ku eedayaa” bay habartu hoos la lahayd.
Ilmihii baa iyana kaakacay, intay indha-indheeyeen bay arkeen qoraac la’aanta meesha jirta. Aabbahood oo isna shaqa u qalab qaatay bay inta u yimaadeen lacag weydiisteen. farahuu ka saaray.
Cabdi markuu ogaaday in ilmihii bexeen buu inta Maryan u yimi yiri, “Maryan, saaka bal iska warran? Xalay ma gama’day?”.
Maryan oo aad marka u ladnayd xishoodkiina ka soo yaraanayo ayaa tiri, “waan ladnahay, xalay waan seexday.”
Cabdi baa qaadan waayey Maryan oo si fiican u hadlaysa. Markuu arkay intuu qoslay oo hoos ka rayreeyey buu yiri, “Eebbow mar noo ladnaysii aad baan ugu farxay ladnaantaada inkasta oon anigu ku yeelay wax kastoo ku gaaray anoo taa kuu qirsanna waan kaa abaal marinayaaye; igu ogsoonow. Waa ballan.”
Maryan aragtay siduu ugu jiljilicsan yahay. lyada welwelka hayaa waa gabarnimadeeda lagu xad gudbey oo kaliyaa. Way ogsooneyd in ayan ciirsi haysan, haddana wax kasta waxaa kala weynaa ceebtii ugu badnaydna la ahaa naagaysiga la naagaystaye xaaraanta ah. Mar alla markay gocataba ilma soo dhaafaysey, inay hadashay maagtay markaas ayay kariba weydey. Cabdi arag oo garay murugada Maryan haysa. Marar badan buu isku dayey inuu besabeseeyo, ha yeeshee, haddana way u mari la’ayd.
Isaga fallaaro kale ayaa ku taagnaa oo wuxuu aad uga sii cabsi qabey in xaaskiisii yimaado iyadoo arrini sidaa tahay. Dhan kale wuxuu aad isaga ilaalinayaa in ilmuhu ogaadaan dabadeednaa hooyadood u sheegaan markay doontaba ha timaadee. Wuxuu kaloo aad iyo aad uga cabsi qabey in cidaha deriska ahgi ogaadaan dabadeed belaayo dillaacdo.
Isagoo waxaas oo dhammi is wada tusayaan oo aad u karkabadaysan buu is tusay inuu ku mintido arrintan oyan sinnaba u baahine ay isaga, Maryan iyo hooyadi oo qura ah ku ekaato.
Shaqaduu tegi lahaa buu uga daahay besabesaynta Maryan. Lacag badan buu inta hooyadi ka qaaday faraha ka saarey hadalna wuxuu ka yiri, “Maryan, wixii dhacay dhece, arrintiina hadda dhexdeenay taal, iyadoo aynu isla garan karayno wixii samiyo xummaanba dhici karay, taasoo innaga iyo dadnimadeenna ku xiran. Marka, middaan ku leeyahay waxay tahay: Horta lacagtan adigaa iska leh oo waa xaal gefkii aan kugu sameeyey aan kaa siinayo, midda xigta hal baan kaa codsanayaa ah in aadan arrintan cid kale oon labadeenna ahayn ogeysiin waa codsi weliba baryo ixtiraam mudani la socoto, sababta aan taa kaaga codsanayaa waxaan filayaa inaad garan kareysid.
“Waxaan ballan kuugu qaadayaa inaan ilkaha kuu sameeyo oo wax alla waxaad rabtid dahab, laf iyo waxaad doontidba galabtadan kuu geliyo, shaqo kale ood lacag badan ka qaadatid inaan ku geeyo,
inaan mar walba kaa war qabo oo xitaa hadday ii suura gasho aan ku dadaalo inaan ku guursado kaddib markaan qorsheheeda dejiyo. Dhar, dhaqan kale iyo xurmaba waan kuu ballan qaadayaaye adna ii ballan qaad inaad ii yeeleysid taan kaa codsaday, anoo gefkayga kuu qirsan.”
Maryan waa lagu soo kordhay waxayba layaabtay ninkan iyada la weynaa oo ilmaynaya hoosteedana yiil. Intay wax kale ka fekeri lahayd bay inta baryadiisii ka yaxyaxday lacagtiina ka qabatay waxay tiri, “anigu haddaad ballantaad qaadday oofineysid anna waan qaaday”.
Weli xishood iyo gabarnimaa wejigeedu la ciirayey. Hadalkaana markay lahayd iyadoo fooraartay dhulka faraha marmarineysey. Hadba intay daymo gaaban soo daysay haddiibana isha laabaysey hagoog yarna isku sii awdeysey.
Cabdi baa farxad ooyi gaarey Maryan markay jawaabtaa siisay, isagoo hadalka boobayana wuxuu yiri, “waa sidee Maryan dhaar waxaan kuugu marayaa inaan ballantaan qaaday oofiyo oo meel marsho. Haddana adoo mahadsan waxaynu yeeleynaa galabtaba ilkaha dahab baynu soo gelineynaa, lacagtaadaasna dhar waxaad rabtid ku soo gado. Haddii dad weydiiyo cidda dharka kuu gadday ilkahana kuu gelisey waxaad oranaysaa ciddaydii baa la iiga yimid”.
Maryan iyadoon hadlin bay madax ruxday taasoy ‘Haa’ tiri.
Cabdi intuu kacay oo salaamay buu yiri, “shaqaan hadda aadayaa Dawadii waad qaadanaysaa sidii horena u qaado. Haddii anoo maqan takhtarkii yimaadana u sheeg meel alla meeshii lagaa hayo oo waxba ha ka qarin waa mid isagu inala socdoo anaa hore u aamusiyaye”.
“Waa yahay” Maryan oo aan waxba sheexii ka bi’in baa tiri.
Cabdi gurigii buu sii xulxulay oo hooyadiina inta u tagey la socodsiiyey siduu u dajiyay arrinta, taasoo uu iyadana faray in iyaduna dhankeeda majaraha uga qabato.
“Bal waa yahaye iska shaqo tag, allaa xaal ogoo meel uu wax marinayo yaqaane,’’ habartii baa tiri. Intuusan gurigii kadhamaan ayaa habartii ka daba qaylisay “waar hooy ha moogaan reerku qado ma haystee”.
Cabdi aad buu u naxay markuu taa xusuustay, wax hadal ahna isagoon ka celin buu sii jiitey. Niyaddu ku sii qaatey inuu ama qado soo gado ama hadhow makhaayadaha dadka u qado geeyo.
Shaqadii oo laga sugayuu tegey. Wuxuu ka shaqeeyaa meel xafiis ahoo aad u shaqaale badan wax soo saarna aan aqoon. Waa xero maamul waxa laga shaqeeyaana waa waraaqo lays dhaafdhaafiyo, mar saxiix loo doonayo, mar iyaga la qorayo, mar wixii lagu qori lahaa laga wada hadlayo, iyo mar aan waxba hayne been la kala gadayo.
Dadka meesha ka shaqeeyaa waa kutladkutlad ama koox siday isu yaqaaniin isula saaxiib ah. Sida badanna markii mid shaqada ka daaho kama duwana isagoo jooga oo kale sababtoo ah asxaabtii baa halkan buu joogey, xafiiskan buu hadda sii galayey iyo beena la mid ah u miisa.