Q-47aad taxanaha adeegto

Cabdi wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu khatarsan hadduunan ahayn tuugada meeshaa deggene loo haysto inay dad iyo dal u shaqaynayaan kan ugu weyn. Isagoo wax daallane shaqo ka yimid iska dhigaya ayuu xafiiskiisii soo galay, markaasaa mid aad mooddey inuu meeshaba ku sugayey soo boodey oo inta isaga u il jabiyey wuxuu yiri, “Ha anigu kuma lahaynoo”, wuxuu u hayaa nin kaloo isna xafiiska ku jiroo waraaqo sita, “xafiisyadan buu ku jiraaye yare sii sug”.

“Haa, anigu maxaan ka aqaan meelaad joogjoogtaan, halkan baan idin ku naqaan haddaan idin ka weynana idin weynaye” kii yimid baa yiri.

Cabdi wuu fahmey waxaa meesha ka socda, markaasuu kama jimcine sidii loo faray u gutey oo yiri, “iska daa waxaa oo dhanoo hadda maxaa daran? Annagu haddaan joognana shaqo qaran

baannu haynaa haddan maqannahayna ku maqannahaye”.

“Mayee wax kale maahee arrintii aynu isla ogeyn maxaan ka yeellaa? waad i garatey baan u malaynayaa?” Ninkii kalaa yiri.

. “Haa oo waxaan ku weydiiyey, adigu kii kale ma ka soo saxiixatay?” Cabdi oo hareeraha iska eegayaa yiri.

“Ba’aa ma nin aan taas soo dhammayn karin baad ii malaysay? haddanan soo dhammaynse ma anaa kuu iman lahaa. Arrintaasi waa dhan tahaye goormaa ayaa la ii rarayaa?” ninkii baa yiri.

“Gartaye, ma waddaa qaybtii kale?” Cabdi baa yiri

“Sidee weeye Cabdi maxaad saas ugu hadlaysaa?” Ninkii oo qoslayaa yiri

“Mayee wax kale ma ahee, waa hubinayey haddaad waddeyna waxba ma ahee soo dhiib. Adiguna dhaqsaa laguugu rari doonaa” Cabdi baa yiri. “Oo aa, waa yahaye iga qabo, tanna ii saxiix shaqaalahana ku amar inay degdeg u raraan aad baa loo doonayaaye”, ninkii baa inta hadalkaa yiri waraaqo badanoo isku duuduuban Cabdi soo hor dhigay.

Cabdi warqaddii tuugada ahayd ayuu saxiix ku duugey lacagtiina wuu guddoomey. Tiradu dushay uga tiil kamana yarayn dhawr iyo taban kun. Waxaa ninka kale loo rarayey alaab ayan ahayn in qof kaligii laga iibsho ee ay tahay inta dadka la dhex dhigo haddana loo tafaariiqeeyo. ma ay dhicin taasi oo waxaa meel marsaday dhawr tuuga ahoo shaqaale ku sheeg iyo ganacsato ah.

Cabdi ciilkii iyo caraduu saaka la soo toosey intay ka jabeen buu markaa farxad la taagnaan kari la’aa; Maryan baa inta biskootey haddana si sir ah ula heshiisey mar kalena lacag uunan filayn baa si fudud oo qabow ugu timid inkastoo uu dad kale la qaybsan doono uusan keli ku ahayn. Farxad way dhaaftay. Intuu boodboodey buu u yeeray dhawr shaqaale ah, amarna wuxuu ku siiyey inay alaabta raraan.

Shaqaaluhu way wada ogsoonaayeen, markaasay isugu baaqdeen illeen lufluf bay helaane.

Ganacsidihii markuu tagay ayaa Cabdi inta siduu rabay, u soo fariistay Farax shaqaysan kari waayey. Lacagta markuu qaadanayey cid arkeysay een labadooda ahayni ma jirin. Lacagtii buu kala qarqariyey si uu uga saaro illeen dhawr qof baa wadaagee. Intuu mid mesha kala shaqeeya u yeeray ee xoogaa u dhiibey buu ku yiri, “waxay ila tahay waad taqaan waxaad oran lahayd haddii cid i dooneysaa timaaddo”.

“Ah, ah, ah, ma waxaa ii malaysay wax aan waxba fahmayn, waa sidee Cabdi?” Ninkii kalaa yiri.

Cabdi baa hadal la’aan dib isaga laabtay oo inta suuqasii maray cunto ceeriin sii gaday. Gurigii buu geeyey oo Maryan weydiiyey inay wax karin kartiyo in kale, “Maryan, haddaan dabka kuu shido cuntaan keenaye ma agfariisan karaysaa?”.

Maryan oo markaa si fiican u ladan xagga mooraalka maahee xagga kaloo dhan sina weli u baqbaqaysa baa tiri, “waayahay, waxbana dab ha shidine iska daa anaa karinayee”. Intay haddiiba soo booddey bay qadadii dhardhaartay, waqti yar intaan laga jooginna diyaarisay.

Cuntada markay kari maagtay bay dab dariska u doontay. Reerkii ugu horreeyaye ay u gasho baa su’aalo ku furay, “Alla waa Maryan! Naa xaggee ka dhacday ayaamahan miyaa jirratey?”

Maryan baa naxday oo waxay ku jawaabto garan weydey. Dadka su’aasha weydiinayey ayaa waxaa ku jirey habar da’ahoo waayo aragnimo u leh gabarnimada iyo naagnimadaba. Ishay gelisey, markaasay hadal ka jan ah ku tiri, “Aha, maxaad kaga daali wallee inannimo isma haysaane! wallee waa addunyo gaddoon! Ma adeegtooyinkiina hadday nabadgelyo waayeen! Eebbow adduunkii hore fiicnaayaa”.

Habarta sidaa u hadlaysaa Maryan horay maalin walba u arki

jjrtey si qarsoodi ahna way ula socon jirtey hadba sidii wax ula soo gudboonaadaan. Horay inta u xansatay way ka warqabtey inay miskiin aan cid lahayn ahayd.

Mar cabbaar laga joogo markii Maryan dabkii qaadatay oy siiba

jeeddo bay hadal si qabow waxay u tiri, “hargab baa igu dhacay,

haddana waa ladnahay.”

Habartii hanjabeysey dhawaaqii habeenkii dhaweyd way maqleysey meelay u qaadayna garan la’ayd, haddayse meel u heshay, may ahayn habartaasi mid xasarad iyo belo shid ka maran, haddana way iska gaabsatay ilaa wax si kale iska dhigayeen amaba arkayso arrin iyadu qaadaa dhig u baahan.

Maryan cuqda-hoosaad bay sii qaadday. Awalba way qabtay

haddana way sii darsatay. Qof fiirsha ama la hadlaba waxay u

qaadataa inuu iyada iyo waxa qabsaday wax ka ogyahay kana

sheegayo. Qadadii karisay oo la cun lana jiifsey. Cabdi hooyadii

sidii bay u yaabbanayd.