BARNAAMIJKA “U SOCDAALKA RAADKA TAARIIKHDA” Waa Barnaamij ay qoraayada iyo abwaanada naadiga Sooyaal oo is kaashanaya bilaabeen 1 August, 2020-ka. Socdaalkiisii 1aad iyo taariikhda ay qoraayadu ka soo qoreen ayaa lagu soo koobay maqaaalkan hoose. waxa aan u gudbi doonaa qaybaha kale ee socdaalka haddii eebe idmo.
————————————————
WAA TUMA BUURTA GANNAD?
GANNAD waxa ay dhacdaa koonfurta galbeed ee magaalada Dhagaxbuur. Waxa ay haar yari u dhaxaysaa buurta taariikhiga ah ee loogu yeedho ‘ Soomaali-Gaadh’, oo degitaankeeda talyaanigii iyo ingiriiskiiba isaga danbeeyeen. ” Soomaali-Gaadh haddii aad tagtaan, waxa aad arkaysaan meelo aad dareemaysaan in ay suuq ahaan jirtay” ayuu yidhi oday ka waramayay. Xilligeeda ayaynu ka sheekayn doonnaa, haddii eebe idmo.
Gannad waxa ay in badan xero ciidan u ahayd talisyadii itoobiyadii hore, bal se jabkii dhargiga wixii ka danbeeyay hawlgal mooyee tigreegu u ma ay na danaynin sidii kuwii hore, wax fadhiisin rasmi ah na kama ay samaysan.
Buurtan yar, buur uun ma aha, ee waxa ay dadka soomaaliyeed, gaar ahaan reer dhagaxbuur arageeda iyo maqalkeedaba ku xasuustaan, hagar daamooyin iyo ciil aan hadhaynin oo ay ciidamadii degganaa u gaysan jireen. Waxaa ciidamada xabashida u yaalay kaarayaal iyo hubab culus oo kala duwan. Sababta ay fadhiisin ahaan ugu toorteen, waxaa loo aanayn karaa in ay tahay meel taag ah oo si dhibyar dhamaan ba magaaladda dhaqdhaqaaqeeda loo ga la socon karayo, IWM.
Badhtamihii sanadkii 1960-kii markii xornimada soomaaliya qaadatay, taariikhdu waxa ay xustaa xasuuq magaaladda dhagaxbuur ka dhacay oo ay ku dhinteen in ka badan 90 qof. Dhalinyaro is abaabushay oo gobonimo raadis ahaa, ayaa aroor loo soo toosay iyagoo calanka soomaaliya ka taagay magaalada dhagaxbuur. Saraakiishii ciidamada cadawga itoobiya oo arintaa ka cadhaysan, ayaa si arxan darro ah shacabka oo is ka baraad la’ ugu furay hubka noocyadiisa kala duwan. Hubabka lagu gumaadayay, kuwooda ugu halista badan oo loo yaqaanay “KANOONI” waxa ay ciidanka xabashidu ka soo ridayeen buurta GANNAD. Dhacdadaa waxa ay dadka reer dhagaxbuur u yaqaanaan ‘ KANOONI’. Markii la gu gudo jiray dagaalkii 1977-dii, dhufaysyadii ugu adkaa ee ciidamada itoobiya dufaaca ka ga jireen, ayay goobtani ku jirtay. Halyayo badan oo soomaaliyeed ayaa ku shihiiday dhalada buurtan.
Hadda oo la joogo, waxaa toos u ga muuqda dhufaysyadii kaarayaasha, hoygi hubabka. . . W/Q: Asad Abdi Abdulahi Hiil
WAA TUMA BUURTA GANNAD?
