Abwaan Cali Jaamac Haabiil 

Gabaygan waxaa curiyey abwaan cali jaamac haabiil oo degenaa magaalada ber bera waxaana uu u tiriyey nin saaxiibkii ahaa oo la odhan jirrey xirsi cilmi goonle oo ka xijaabtay adduunyada isaga oo taa ka tiiraanyeysan kana damqanaya dhimashada saaxiibkii uu yidhi  Faaraxaw gal galad kaan dhigiyo gamac la,aan tayda gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu raacay gasiinkiii la ii dhigey waxaan gawska uga daayey geeridii xirsey sheegayeen gacal ha waayeene goblamooyin waxay ii adeen guul darriyo hooge gabal baa u dumey reerihii geliga booc yiiley abbidkii rag waa goi jiree tanise waa gaw e ,

lix hal oo u wada gaar ahaa goconayaa mooyi mid weeyee haddii lays galloo geel la kala qaado gurmad noqonayaa iyo annagu guuto bixinnaaba waxay gole fardoodaba haddii la isku soo gaadho rogaalkuu giraangirin ogaa gocanayaa mooyi gar adkaatay xaajada gurracan guurtii kala maagtay haddii geedka lay isugu yimaad o,

golaha waayeelka nin haddii gees damcoo giijo madaxiisa wax la wada gorfeeyaba halkii la isu geyn waayogaagaabsayaa iyo isagu geesi hadal yaaba gudoonkaa la wada raaci jirrey gocanayaa mooyi geb haday martidu soo tidhaado goor uu nala joogo godka lagu janneeyaw haduu goosan la caraabo garab saar rag weeyee haduu gogosha soo qaado gasiin kii la soo dhigey hadaa gal iyo daad mooday bakhaylbaa gammima , e intuu gaadhka ka qoslaayo godolkuu k haasaawin jirey goconayaa mooyi !  

Gu,goo da,ay hadii gawda laga saaro shir girmidha haddii loo kiciyo gob iyo reeraada waa gellin is daawada halkii garangor loo joogay gole igu banaanaa wallee garan la,aaneede guraduu ka soo toocin jirrey goconayaa mooyi! 

Gardara sokeeyaha ragbaa gees biciid u leh gudcurkiyo cadadu waa walaal kalana guud roone gaadiid la dhaanshuu ahaa gibil ma daadshiiye guraduu na wada saari jirrey goconayaa mooyi ! 

Alla wuxuu golxaaluu ahaa gedefka reeraaye magaciisu waa gudub sanaa gaaliyo islaame galbeed iyo baraa laga yiqiin gololkii dheeraaye gaashaan birruu noo ahaa goconayaa mooyi! 

Adduunyada laga guurayo ee geba gebada joogta ee laga galbaday meesha iyo geeridii maxamed anuunbaa gubtoonaya oo geesigii tebeye gartaa u noqday eebbow ma jirto , garan gar waartaaye allahayaw wax badan baan gefeye adigu hay goynin oo geesta nebigii I mari manta lays gurayo .   

Qoraa: Casayr aadan sallebaan