Godob jaceyl | Q-2aad Adegto

Saafi Kuma gacansaydhin e, si carablaab ku jiro ayay ugu jawaabtay. Taasoo ay leedahay dhib ma leh haddaynu xidhiidh yeelano Cabdi rashiid oo xiisihii iyo boholyawgii uu u hayey ku sii laba jibbaarmeen ayaa isa siiyey Saafi. Waxa uu go’aan ku gaadhay in uu sameeyo wax walba uu ku helikaro. Dabaddeed, la kal tag maalintaa. hase yeeshe, Saafi gurigooda lagama qoob qaado: hadday tahay haasawe tag ama ciyaar gud. Iyada oo sida  Cabdi rashiid u danaynayo si ka wayn loo danaynayo, Saafi sheekadaa iyo cayaartaa wax kale uma dheera. Nin waliba oo usoo haasaawe taga kolnna sidii ay Cabdirashiid ugu carab laad laadisay ama u soo dhawaysay uma soo dhoweyn. Cabdi rashiid oo ay awood ka tan badani jiidanayso baa ku soo laba noqoday gurigii Saafi. Hase ahaatee, wakhti fiican kama helin Saafi oo mashquul badnayd darteed. Saafi waxay ahayd inan yar oo markaa gashaanti noqotay. Laf dhabartii reerka Ciid Bulaale ku dhisanyahay bay ahayd. Waxay ahayd boqolkiiba siddeetan, ta qabata hawsha guriga.

Markii ay ogaatay tartankuu inan-ragged ugu jiro, go’aan waxay ku gaadhay inayna rag ba salaan ka qaadin. Nasiibdarro, Cabdirashiid go’aankii ay Saafi gaadhay ayaa saamayn ku yeeshay xidhiidhkii bilawga ahaa ee uu la lahaa Saafi. Oo wuxuu la mid noqday inan-raggeed oo dhan. Jacaylkii Cabdirashiid galay oo aanan warka hayn go’aankii ay Saafi gaadhay, ayaa ladh horleh ku soo laba kiciyey qalbigii Cabdirashiid. Waxa uu gaadhsiiyey heer uuna seexan, hadhsan, wax cunin, biyo mooyee baad kale afkiisa saarin. Aroortii, galbtii iyo habeenkii ba waa uu ka fikiri jiray. Xasuusteeda ayaa harqisay qalbigiisii. Cabdi rashiid Saafi aad ayuu u jeclaa, naftiisa ayuu ka jeclaa. Muddo hadimada jacaylku waxay keli ku ahaataba qalbigiisa, Saafina ku adkaysato go’aankii ba’naa ee ay gaadhay warli’i; maalin maalmaha ka mid ah buu fursad ka helay saafi ciid. Wuxuu is tusay inuunan beerdarayn fursaddan. Min Alif ilaa Y inuu usheego kalgacaylka uu u hayo ayuu ku tashaday. Dabadeed salaan kadib, wixii qalbigiisa gubayey ee u diiday jiif iyo joogtoona ayuu si qurux badan ugu soo bandhigay. Heerka uu la marayo iyo sida uunan keligii wax uga qaban karin buu dhegta u galiyey. Haba yaraatee, haddii ay wax un la qabato, sidan uu hadda ku jiro inuu dhaami lahaa ayuu u sheegay. Nadiibdarro se, dhag-jalaq uma siin warkii Cabdirashiid. si foolxun oo ay nacasnimo ku jirtana way ugu gacansaydhay.

Si ay is tidhi waad ugu qoos-goysay misne Cabdirashiid quus u noqonayn bay kaga dhaqaaqday. Cabdirashiid oo ay talo ku caddahay, xaalad xunna ku jira, baa rejo la’aanta iyo waji-gabaxii uu kala kulmay Saafi, la sii wareeray.waxaa ku dhacay: Dhibaato jaceyl la dhaanteeyoo Qofkaan isku dhiibay iga dheer Jaceylka waa dabayl taasoo cid walba ka adag, da’ kasta ha ahaadee. Cabdi rashiid wuxuu ka mid noday dadka jaceylka aadka ugu nugul, intuu qonbobay oo qalalay ayuu kala siibtay, wuxuu ku hadaaqi jiray ‘ma la dhuubtay awgaa’ Sida uu ugu xanuunsanayo jacaylka, gabadhii uu darteed u xanuunsadayna ay u xasilan tahay baaa bulshadii fajac iyo amakaag ku noqotay. Jaceylka daran ee haya Cabdirashiid, waxaa ka adkaysan waayey dhalinyaradii ay isku xidhnaayeen, markaasay weerar afka hadal u badan ku qaadeen Saafi Ciid Bulaale. Laakinse, wax ba ma soo kordhin dedaalkii ay sameeyeen dhalinyaradii Cabdrashiid la saaxiibka ahayd. Inna inay bal Saafi soo dabacdo halkii ay ka sugayeen bay kag sii darnaatay sidii ay awal hore ahayd.waxa laga joogsaday quus balse  isagaa xanuunkaasi wuxuu ku noqday boog aan cidina dhaymadeeda hayn.Qalbigiisana wuu ka tiriri kariwaayey Saafi Ciid Bulaale Siciid Cali Cismaan wuxuu ahaa arday laba waallalo ah kala dhaleen cabdirashiid diiriye jaamac. Wuxuu dugsi dhexe ka dhigan jiray magaalada Heego.

 Wuxuu ahaa arday jacel inuu barto dhammaan ba dhaqanka iyo hiddaha. Sidaas daraadeed, xiliga fasax dugsiyeedka lagu jiro wuxuu u caano-doonan jiray Miyiga. Markii la gaadhay Fasaxii waynaa ee sannad dugsiyeedka, Siciid wuxu aaday deegaanka reerkoodu dago. Xilli barwaaqo ah buu gaadhay, reerahoo deggan Dhumay oo aad u deellan, waa meel jawi fiican, kulayl iyo qabowna daa warkii. Waa meel hawo dhexdhexaad ah. Waa dooxo balaadhan oo tigaadu aad u baxday, jiidhaamo iyo mugucyana ku dhexyaallaan. Xoolaha meelo fog fog looma daaq geeyo. Aqal walba agtiisa ayey xooluhu ku dhawyihiin.

Geela waa la xigsin maalaa, Nirgaha iyo qurbacduna way ag joogaan. Dooxadan waxaa soo biyeeya togga la yidhaahdo Xeeridheere, ee soo mara meesha hodanka ah ee aad suugaanta ku maqasheen ee dhaho, Xalin la Sayid Maxamed Cabdille Xasan markuu bixinayay faraskii la odhan jiray Xiin fiin waa meeshii uu lahaa : Xayskaa da’aayaan lahaa xalin ka dooyeeye Meesha iyo xeebbaan lahaa xiito ka eryood Biyaha toggaas ka yimaadda baa Dhumay fadhiista. Waxaana daga ilaa labiyo toban kun oo qoys. Tigaad mooyee dhir sare maleh, waxa dooggaasi kaa qariyo mooyee, meel walba waxbaad ka arkaysaa. Waxay weeye meel aan magaallo waxba ka hoosayn. Waayo, waabab baa laga dhisaa, waxaana laga furaa kaamam.

Sidaas baan qofku magaalaba ugu baahanayn. Oo kaamamkaa la keenaa wixii magaalo yiilba. Siiciid markuu reerkii soo gaadhay, wuxuu lakulmay walaalkiis Cabdirashiid, si duu u kala siibtay hamiga, hurdad laa’anta, cunto laa’anta, fakarka iyo muuqaal xumada ka muuqata. Cabdi wax uma sheegin balse bulshadii kale baa warkii oo tafatiran u dhiibtay. Siciid go’aan buu qaatay kaasoo ah inuu waxkasta ha ku qaadatee gabadhaa walaalkii u dhimanayo gacanta ka soo saaro, isagoo ku dhaqaaqaya tilmaamihii laga siiyay Saafi Ciid Bulaale. Meesha lama dhaansado gaadiid Waayo, mugucyadii baa u wada dhaw haraadna maleh. Gabdhaha ayaa joog ama kildhi wayn oo wax lagu xalo soo dara mugucyadaa.

Buuga; Godob Jaceyl

Qoraa: Yahye Y. Xasan