NAF SADAADA BAL KAWARAN?

Hadii lagu weydiiyo Akhbaar ku saabsan nafsadaada ha u bixin taariiq nolaleed kaada oo ku qoran C.Vgaada, balse waxaad sheegtaa hadal macno leh oona kooban, ugu badnaan hadalkaas waa in uu socdaa labo daqiiqo, ugu yaraana waa in uu socdaa hal daqiiqo, hagaag waxaad beegsan Wax faa’ido u leh shirkadda ama ha’yada aad shaqada ka doonaneysid.

Tusaale: Waxaad orani, aniga sideedaba waxaan ku fiicanahay wax soo saarka meesha aan ka shaqeynayo, taasina waa mid xaqiiqo ah, sidoo kale waxaa la igaga dambeyaa kobaca shirkada aan jooga, maxaa yeelay aniga waxaan ahay qof hal abuur leh waxna hindisa oona hormariya meesha uu jooga kana muuqda bulshada dhaxdeeda, Aduunyada aad arkeyso waxaa hormarkaas gaarsiiyey dad ani ila mid ah oo sida aan ugu han weynahay meesha aan jooga iney la mid noqoto dadyowga caalamka ama shirkadaha aduunka horumaray, arintaas waxaad ka ogaan doontaa marka la ii fasaxo in aan shaqeeyo.

Buuga: wareysiga shaqada

Qore:  Sayid Axmed Xaji Maxamuud