Dadka guulaysata waxa ay leeyihiin astaamo ama dhaqamo aad u fara badan dhaqamadaas ayaa u hor seedo in ay naftooda horumar gaadhsiiyaan kadibna caalamka wax ku soo kor dhiyaan, hadaba waxaan soo qaadan astaamahaas kuwoo ga ugu waawayn. astaamahan adigu naftaada ku dabiq si aad hormar la taaban karo u gaarto astaamahana waxaana ka mid ah:
1. KALSOONI
Kalsooni: waxa weeyaan in aad u aragto naftaada mid wax soo saari karto ama wax soo kordhin karta guulna gaadhi karta. naftaada markaad ku kalsoonaato ayaa hiigsan kartaa waxaad rabto. waana furaha ugu muhiimsan ee guusha lagu gaadho. ‘Hal fure oo muhiim u ah guusha waa kalsoonida, hal fure oo muhiim u ah kalsooniduna waa diyaargarowga.’
Kalsoonidu waxaay ku siinaysaa awood aad hawl ku qabato taasina waxeey ku hor seedi kartaa in aad si dhib yar aad u guulaysato. Kalsoonidaas oo kuu horseeda horumar wayn taas oo kaa dhigaysa ruux ku haboon xaqiijinta hadafkiisa, naftaada oo aad ku kalsoonaataa waxaay ay kaa dhigaysaa mid wax walba qaban kara. ‘Hadii aad naftaada kalsooni siisid waxaad jiidi kartaa ku dhawaad wax walba.’
Naftaada ku kalsoonow waxaa aad ta qaannaa wax ka badan waxaa aad u malaynaysid in aad taqaaanid dadkana ku kalsoonow, in aad dadka ku kalsoonaato waa shay loo baahan yahay maxaayeelay hadaadan dadka ku kalsoonaani naaftaadana kuma kalsoonaan doontid iskana ilaali gabi ahaan ba erayga kalsoonidarro.
Buuga: Baadigoobka Guusha
Qoraa: Yahye Y. xasan