xuska-14-guurada-aabbihii-miyuusigga-soomaaliyeed-cabdillaahi-maxamedmaxamuud-xirsi-qarshe“Alleylehe sar weyn baa duntiyo, seeski uu dhigaye, Alleylehe sallaan baa burburay, loo sinnaan jiraye, Alleylehe siraad baa bakhtiyay, meel sudhnaan jiraye, Suugaanta maansiyo fankii, seedahaa go’aye, Sanbabkaa dalooshamay codkii, suubbanaan jiraye, Kamankuu sabaalayn yiqiin, suulashaa jabaye,
Qormadan aan ku xusayo toban-guurada ka soo wareegtay maalintii uu god-galay Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe, waa warqad (Paper) aan ka akhriyay Jaamicad ku taal Finland oo la yidhaahdo Abo Turku University, 1998kii. Warqaddaas oo ku qornayd afka Ingiriisiga waxa lagu soo daabacay Buuggii Shirweynahaas ka soo baxay, Shirweynahaas oo la odhan jiray “Somali Studies Congress.” Baadi-soocda Buugga Qormadan xanbaarsani waa: “The Life, Music and Literary compositions of Abdillahi Qarshe (1924-1997), in Variations on the theme of Somaliness, Centre for Continuing Education, Turku, Finland, 2001,”
28kii Oktoobar 1997kii, waxay ahayd maalin dhiillo xanbaarsanayd oo aad ugu cuslayd, naxdin aan la qiyaasi karinna ku lahayd shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogeenba. Horumarka isgaadhsiineed ee dunidu ku tallaabsatay ayaa markiiba la duulay warkii ahaa in Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe ku geeriyooday magaalada London. Horaa Soomaalidu ugu maah-maahday: “War xumi dugsi ma fadhiisto.” Warkaa dhiillada xanbaarsanaa “Internetka”, Fax-yada iyo qalabyada kale ee casriga ah ayaa ka adeegay tebintiisa. Idaacadaha iyo qalabka kale ee war-baahinta ayaa afaf badan ku sheegay. Markii qaarad iyo dalba la dhaafay ayaa warka culayskiisii iyo naxdintisiiba la hayn waayay oo guri ilaa guri la isu tebiyay. Qof ilaa qof ayaa dheg iyo dhab ba la isu saaray.
Maa daama ay maanta ka soo wareegtay toban sannadood maalintii Cabdillaahi Qarshe lagu aasay xabaalaha Qaranka ee Hargeysa, waxaan ka wadi waayay in aan maqaalkaa idiin soo tarjumo aniga oo si weyn u nakhtiimay oo wax badan ka saxay isla markaana ku daray ama ku ladhayba. Cabdillaahi Qarshe Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’, waxaan xusayaa waa dhaxalkii faneed ee uu inooga tegay ee midho, miyuusig iyo codadba lahaa oo aan cid la ag dhigaa Soomaali ku jirin, keli iyo horseedbana ka ahaa; waana tan ta qiimaha u yeelaysaa Cabdillaahi Qarshe. Waa ninka xaraartaa butaystay ee aanay cidina ku haysanin ee looga danbeeyo ee weliba durbaankana loogu tumo. Haddii Eebbe idmo waxaanu ku ladhani doonnaa Qormadan xusuusta ah filim dokumentari ah oo gaaban oo ka hadlaya noloshii iyo curintii Qarshe oo TV-yada ka daawan doontaan.
In kasta oo loo dhashay oo ay qaddar Eebbe tahay, haddana waxa dhacday geeri naxdin leh oo mahadho reebtay. Iftiinkii fankaa bakh tiyay, waxa dhintay: mulaxinkii, halabuurkii, muusigyahankii, heesaagii, aabbihii iyo calan-sidihii daah-furay muusigga casriga ah ee Soomaaliyeed. Waxa meel fog iyo reero muskood ku geeriyooday bud -dhigihii masraxa Hereriga ah ee Hargeysa ka tisqaaday, Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo ku caan-baxay Cabdillaahi Qarshe; naxariistii janno Alle ha siiyo e’. Cabdillaahi Qarshe, wuxu ku geeriyooday magaalada London oo uu ku noolaa dhowrkii sannadood ee
geeridiisa ka horreeyay. Dhanbaalladii tacsidaa is-weydaartay, waxa soo rogamaday oo karkaarrada soo jabsaday mowjado heeso iyo maansooyin baroor-diiq ah oo gudaha iyo dibaddaba laga tiriyay. Af Soomaali iska daaye xataa maansooyin carabiya ayaa loogu baroor-diiqay. Xuseen Jaamac Rooble “Xaaji Gujis” oo ka mid ahaa halabuurkii heesahaa ballaysimay, tix uu tiriyay waxa xuddun u ahaa:
“Hadda qof iyo dhowr iyo,
Qoys iyo kamuu tegin,
Qolo waxaad tidhaahdo e’,
Annagoo quruunuu,
Qormaduu fadhiyi jiray,
Qarshi nagu banneeyee.”
Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale
Buuga: Hal-Aqoon