Ha Fududaan (Ha Dagdagin)

 Fudaydka ama dagdagu waxa uu sababa khasaare baaxad leh, marka aan ka hadlayno xidhiidhna waxa uu keenayaa nitaaqo iyo dhibaato caqabad ku noqon doonta habsami socodka farxadaada, noloshaada, mustaqbalkaaga. 

Sugaantana maxamed siciid bk waxa uu ku idhi hees uu lahaa “talaabo dagdag aan u qaaday sidaan ugu turun turooday tusaale hay ahaato” waxay ku tusinaysaa wedhaasi in ay qoomamo ku jirto sido kalena ay ku jirto in cashar laga bartay qalad mar la galay, iyada oo la dagdagay ama la fududaaday.

 Waa run oo waxkasta oo ku soo mara waxa aad ka baranaysaa cashar, waana halka ay ku kaydsanyihiin jawaabaha su’aalo kusoo mari doona, marka aad xulanayso lamaane ama qof ku soo bandhigto dareenkiisa waqti sii, ilaa aad ka ogaanayso in rabitaanku run ka yahay iyo in kale, qofka marka aad in badan ka warwareegto rabintaankiisana aad dhawr jeer diido waxa kusoo baxaysa hal mid, oo ah qofka dhabta kuu jeclaa ee rabitaanku run ka ahaa isagu uu kula joogayaa ila inta aad uga dabcayso ama aad ka ogolaanayso, halka midka damacu waday ee beenta ka sheegayay dareenkiisa uu iska tagayo, ilayn waxa waday ayaa ahaa damac aan wanaagsanyne.

 Inkastoo dadka qaar si kasta oo ay u xun yihiin hadana ay jecel yihiin waxa qaaliga ah ee aan la heli karin ka wanaagsanaa ay midaas kala siman yihiin, waxa ay kugu sii nagaadi doonan mudo balse qofkasta marka uu taxadarayo uu ogaanayaa  

  qofkan waxa uu wado, waxwalba waqti sii inta anad aqbalin. “Albaabka gurigeena qofka sida bilaa ixtiraamka ah usoo garaacaya waa aynu dhibsanaa marka aan ka furnana wajiga ayaynu kaga dhagnaa, halka midka sida qurux badan ee ixtiraamku ku dheehan yahayna u garaacana aan si wanaagsan u qaabilno xataa inaga oo aan aqoon u lahayn”.

 Sidaaso kale qofka noloshaada soo galaya adigaa dooran kara, fudaydkana ka fogow.  

  Buuga: HUBKA MACAAN 

Qoraa: RIDWAAN AXMED YUUSUF