Deelayda Maansada
Mudda Door Ah Maan Tirin
Dabnahana Kamaan Xidhan
Waxse Caawa Igu Diray
Daganay Naftaydaan
Duulaan Kusoo Ahay
Doqon Aan Wax Nicineey
Damac Fool Xunleeyeey
Dawarsada Ma Quustaay
Daalaadhac Badaneey
Danteed Uma Dhaqaaqaay
Daawadeed Xabaalaay
Dawgeed Ma Garatooy
Kugu Daalay Aniguye
Daanteed Ku Roontahay
Waligaa Ma Dirirtaa
Doonitaan Ma Leedahay
Diidayna Ma Odhataa
Samaan Ma U Dawaaftaa
Xumahana Ma Diidaa
Danta Guud Ma qabataa
Adigoon Laguu Dirin
Damiir Nool Ma Leedahay
Dayma Dheer Ma Leedahay
Dabci Dhaqan Ma Leedahay
Kugu Daro Dadwaynaha
Waxaan Daalacdaayoon
Daris Aynu Wada Nahay
DoqoNiima Daadee
Hadmaad Darajo Yeelani
Dayaxiyo Xidigihiyo
Daruuraha Hadmaa Tagi
Ood Han Diiran Yeelani
Qoraa: Kaarto Abu Ikhlaas