Godob jaceyl | Q-6aad Adegto

 Markii ay aragtay farriintii ayey Siciid ku tidhi, ” Gabadhii la faanin jiray baa ku doonaysay oo, waxay igu tidhi, Siciid ha ii yimaado.” Waa yahay intuu yidhi buusan u tagin. Laba cisho kaddib bay Saafi haddana Sahra u timid. Waxoogaa sheeko ah kaddib, 

waxay Saafi tiri, “miyaadan u sheegin fariintii.” “Oo miyaanu kuu imaan” bay degdeg Sahra ugu jawaabtay. Maya, iima imaan ee walal ku adkee fariinta ayey Saafi ku tidhi. Haye, walaal ayey Sahra tiri. Sidaas ayeyna ku kala tageen. Markii uu soo xerogalay Siciid fiidkii, bay Sahra u sheegtay fariintii, mar labaad. Waa yahay buu ku yiri Siciid. Waa intuu doonayey ee markii uu ogaaday Saafi inay shabaqa caashaqa ku jirto, buu sanka taagay.

 Maalin saddexaadkii bay saafi ugu timid guriga isagoo jooga, waxay ku tiri “soo tiraba labba goor faariin kuuma dhigin gurigga?” Dabcan, waan se l mashquul sanaye, caawa ayaan kuu iman walaal. Nabadgaliyo.. Haye, nabaaddiinoo.. Saafi sidaas ayay kusoo dheelmatay. Hadduu habeenkii u tagayna, waa la isla gartay in  jaceylka lawada sido oo aan la isku keliyeyn. Balse, waxaa Siciid la soo darsay walwal iyo walbahaar badan,

 isagoo maskaxdiisa waydiinayay “tallow markay ogaato Cabdirashiid unuu walalkaa yahay maxay Saafi samayn doontaa? tallow se ma kaa yeeli doontaa mase kuu suura galayaa jaceylkan maqaarsaarka ah. Taariikhdaas Siciid iyo Saafi mar xalad badan baa soo dhex martay. Sida habeen iyagoo labadooda qudha ah ay jilayaan jaceylka bay ___Saafi ku tiri waxa baa igu leh jaceylku waa kaligaaye Siciid kuma jaceyla. Waayo, Siciid baa ugu jawaabay Dee kaama muuqdaan indho jaceyl u buko bay Saafi tiri Siciid wuxuu yiri : 

Mirta dhexe sidii aar mirkacay Muuday kaligaye Macaluul la jiifsaday dugsiyoo maalmo kuu qadaye Ka mad luubay naagaha kaliyo midab haldhaaleye Adaa maanka iga jiitayoon kuu muhanayaaye Ma mid maahsan baad tahay rayiga waan mitamiyaaye Maxaa habeen iyo maalin ikaa duldhigay haddaan jaceylku dhab iga ka hayn buu Siciid ku yiri. Muddo haddii ay si hoose isu jeclaayeen, oo ay siraysteen in badan,

 Siciid iyo Saafi jaceylkoodii waa kashifmay. Waayo, degaankii oo dhan baa laga ogaaday. Yeelka see, dadkii isku ogaaday inay is caashaqsan yihiin uma ayn joojin hadaladoodii. Mid ba midkan kale ayaa uga dhignaa adduunyadii oo dhan. Waxay saa ahaadaan ba oo ay sir iyo caad isu jeclaadaan ba, habeen kale oo ay balansanayeen buu fiidkii ugu yimid nin ay col ahaayeen, oo hadda ka hor Siciid gabadh ku diray ay sheekaysan jireen.Waxa uu arkay gogoshii ay ku fadhiday Saafi,

 isaga oo dhinac kaga fadhiya. Si fiicanna la isoo la jabinayo qosolka. Judhii ba Siciid waa shakiyey isaga oo u ku tuhmaya inuu Saafina ku dirayo ninkani. Siciid: Assalaamu calayku? Casayr: Calaykum wasalaam. Soo dhawaw, buu ugu jawaabay. Siciid: Maa labbadiinna oo qudhaa?

Dabcan, haa waa labbadayadee soo fadhiiso. Saafi iyo Casayr baa isku mar yidhi. Siciid: Maya, ee iga raali ahaada. Intuu yiri buu dhaqaaqay. Saafi oo dareensan dhaqaaqa Siciid baa, ka soo daba dhaqaaqday.Dabadeed, guriga duleedkiisa ayey ku soo gaadhay. _waxay ku tiri, “maxaa ku helay ood la noqotay, sow ballan ma aynaan lehayn? Siciid isagoo Saafi Casayr ka fogaynaya ayuu yidhi: 

Gabadhyahay gayaan bay nu nahay guurna way galaye Waxay galay inaan guursadaa geenyadaad tahaye Ballankaynu wada goosanaan galiyay laabtiye Adigaana gooyo haddana waan ku garansiine Gabaygaan inoo tiriyayoon gees walba u jeedshay Gufaacada dabayshiyo wuxuu galay daruurtaase Gobtase aanu nahay gabadh hadday galin la haasawdo Oo ay guddoon wada dhigtaan gar iyo xaajo dhan Gunta Iyo gumburada u yimid gogol hadday siiso Waliba ayan guulguulinine gooha maqashiiso Mid kaloo illaah noo gartaba waan ka gudubnaa Saafi waa ku dhegtay Siciid, iyadoo leh,

 miyaad hinaastay? Ninkani wuxuu sugayay Caasha oo xafada ku maqan ee ina keen. Wuxuu ku yiri, haddaan ku raaco waxaa loo qadanayaa nin la soo cadho celiyay ee, hadhow    

Buga: Godob Jacaeyl

Qoraa:  Yahye Y. Xasan