Macluumaad Aruurin:
1- waxaad sameyneysaa jadwal maalinle ah oo soconaayo muddo isbuuc ah. waxaad ku diiwaan galineysaa maalinkaas waxii aad qabatay & mid kasta inta saacadood uu qaatay , adigoo diiwaan galinta ka bilaabaya waqtiga aad hurdada ka soo toostay kuna ekeynaya xiliga aad jiifaneyso.
2- Waxaad is weydiisaa howl kasta waqtigeedii ma ku qabatay mise waqti ka badan ay qaadatay? Sababtu se maxey tahay?
3- Howsha hadii aad qabanin ama ay dhaxda kuu mareyso, Is weydii sababta aad u qaban waysay, ama sababta ay kaaga kala go’day.
4- Waxaad is weydiisaa maalinkaas ku dhaafay siduu ahaa , maalin shaqo badan, mise maalin iska caadi ah, maalin diiwaan gali maalinkaas waxuu ahaa, sababtana maxey tahay.qiimeyn ku samey macluumaad kii aad aruurisay mudadii isbuuca aheyd, adigoo is weydiinaya su’aalahaan sadaxda ah….
*- M ahaayeen waxii aad qabatay kuwo lagama maarmaan ah Badanaa waxaan jecelnahay inaan qabano howlaha fudud oo culeyska aan aheyn , amaba waxaan ka sii jecelnahay inaan wax qabanin, su’aashaas waxay kaa kaalmeyneysaa inaad kala ogaatid waxa aad sameysid ahmiyadda ay kuugu fadhiyaan, & in aad iska dhaaftid howlaha aan muhimka aheyn.
* Markaad kala saartid howlahaada muhimka ah & kuwa aan muhimka aheyn, waxaad is weydiisaa howshaan ma adigaa u xil saaran mise cid kale suurto galna ma tahay inaan u dhiibo cid kale. Su’aashaas waxay kaa saacideysaa inaad ogaatid cidda howshaas u xil saaran, waxaa laga yaabaa inaad ku mashquul santahay howl cid kale leedahay, ama waxaa laga yaabaa howsha aad ku dhabar jabtay iney jirto cid kale oo kaa kaafin karta.
* Waxaad is weydiisaa howshaan muhiimka ah oo adiga kuu gaarka ah, ma jiraa qaab wanaagsan oo fudud oo lagu qaban karo? Su’aashaas waxay kaa saacideysaa inaad si wanaagsan u maareysid hoolaha ku hor yaalo
Buuga: Maareynta Waakhtiga
Qoraa: Mahmed Sheekh Ahmed Khaliif