Dayaxa nimanbaa u kacay
Duruus ima siinaysee
Waxay duxdu taagantahay
Dawgaasaa loo maraa
Dariiqaasaa u baxa
Qofkii Duhur iyo habeen
Cunada daabula ku dhaha
Waxaa kaaga daraja roon
Dabub waaniyo waxsheeg
Dardaaran hadhow waxtara
Maah maah duuga ahayd
Dadkuba way kalayihin
Dareenka midkaa diloo
Inaad waxyar daah furta
Asaga duumiyo kutahay
xanuun daranoo kudhacay
Docdiisa inaad fadhido
Abidki kuladoonayo
Dawarsi sharafkaaga dhiga
Midkale wuu kugudilaa
Duruuftiyo baahidoo
Dantaaduu kugu hagaa
Dawguu basarkuu tusaa
Waxay naftu diidantiyo
Hadalka wuu kugu duraa
Hadaad duurxul leedahoo
Inuun wax daraasadayn
Dibaad ka xasuusataa
Dulucdi weedhuu kuyidhi
Inay Daawo kuu ahayd
Ogow hooyo mayna dihan
Nin doolar watoo dhar xidhan
Dunida nina muuna imani
Darajo asagoo lahoo
Duunyiyo daaraba watoo
Dadkuna dabayaacayan
Waxaa lagu kala.durkaa
Caqliga diirane ogow
Hadaan dhaayahaagu dayin
Wixii kaa durugsan iyo
Dudada waxa kuugu jira
Miyaad daalbixi kartaa
Wixii loo daal mutee
Dadaal loogu hawl gala
Dubnuhu dhadhanshaan macan
Duqwaynba laga hayaa
Xaglaha waan duubayaa
Dagalka wan jiifayaa
Xoolihii iidareeray subax
Anoon dad ilaasha farin
Dugaagi inuu cuniyo
Marabo neef iga dibjira
Ogow daylo kuma timaad
Hadaadan dadaal la iman
Waxbadan diifaadan marin
Walee dalag kuuma baxo
Qoraa: Simane abdi Abdulahi (Abwan Dunjacayl)