Godob jaceyl | Q-7aad Adegto

Wuxuu ku yiri, haddaan ku raaco waxaa loo qadanayaa nin la soo cadho celiyay ee, hadhow baan kuu imanayaye iska tag.

Saafi oo hadallada Siciid ka yara shakisan baa ku tiri “I dhaaro”  Wallaahi waan kuu imanayaa, ayuu Siciid ugu dhaartay gacalisadiisii Saafi. In cabbaar ah haddii uu ka maqnaa, Siciid waa u yimid Saafi oo uu ka tagay Casayr. Siciid oo ah hal-abuur aftahan ah baa ku jalbeebiyey Saafi, ammaan middii ugu qiimaha badnay ee ku jirtay maskaxdiisa.Waxa uu ku yidhi: Gobanimo rugteedaay Garashiyo aqoontana Tii lagu galadayeey Guurti iyo wax qabadeey Guddi aan baqayneey Garta abaheeday Gundhig iyo xishooday Mabda’ iyo go’aaneey Murti gogol dhigadeey Maguuraan xigmadaheey Gabadhii adduunkee Rabbigay gargaaraay Gololoy jaceylkii Ayu gabagabaynee Galbi hadaladayoo Soo gunaanad caashaqa Saddex bilood kaddib, Siciid oo aan ogayn baa reerkii saafi ka dhalatay guureen. Waxayna ku noqdeen dageenkii ay awal ka yimaadeenoo ahaa lama deggaan. Deegaankoodii oo roob ku da’ay, abaartiina ka baxday bay ku soo noqdeen.

Laba habeen haddii ay ba ka sii maqan yihiin reerkii ay ka dhalatay Saafi Ciid, deegaankii uu Siciid ka dhashay ee Ramas, fasaxii dugsigunna uu u gaadhay misne ma ogaan guuridii reerkii Saafi iyo. Siciid oo ahaa nin dhalinyaradu aad u jeceshahay oo sheeko badan, aadna u xigmad badan ka sokow da’yaridiisa, bay habeen habeennada ka mid ah wiilal dhawr ah oo ka mid ah kuwii xiisayn jiray Siciid ku  yidhaahdeen, sheekoolow “Baryahanan kaftankii iyo sheekadaadii ma aanan maqal ee, haddii ay kaa fogaatay gacalisadaadii Saafi, maxaad noogu imaan wayday

 Sicii oo ku halqabsanaya wiilkii su’aasha kaga nixiyey, isna leh yaan la dareemin inuu yahay maqaarsaar jacaylkaadu yidhi: Cabdiyow hadday guur qasdigii qabato labtaadu Oo qirihu gabadh kaaga dhaco waa qisiyo yaabe Anigu qaayis baan ahay intaad wadda qoslaysaane Qulbayoo inaadeer lafahoo qawan bay hadhaye Qalbigaygii inantaa casbaa qaaday waa hore’e Waa quliyad iimuuqatiyo qoomka saadada’e Jeer ay qadraay maheriyaan qaddigiyo sheekhu Ay aniga ii qalad baxdaan qun ula haasaawo Qancimaayo oo iga wallaanan qaayo u lahayn.Dhalinyaradii qosol bay la dhaceen, iyagoo ninba meel ka soo tuurayo, ileen ninku ma noola, ileen jaceylbaa dilay. 

 kaddib waxay yidhaahdeen, jacaylkaadu goormuu kugu darnaa Wuxuu yiri, aniga oo hurda bay riyo iigu timid Saafi, iyadoo ila baashaalaysa baan is iri qabso, saa anigii baa isku dhagay arbaan intaaan soo booday gogosha dhinacyadeeda ka baadhay. Waxaanse ogaaday inay iga maqantahay ee aan riyooday ka dibna hurda way igu soo dhici wayday. dhalinyaradii iyagoo ka xun jabka igu dhacay runa u haysta bay I yiraahdeen miyaadan arintaa ka gabyin.Maye, waan ka gabyay, oo maxaad tiri habeenkàas Waxaan iri..

Inantaan haraadkaan u qabay heeg u ladi waayay Marka aan hurdada jiifsadaa la I horkeenaye Haddan sida hilaacoo kalaa laga huf siiyaye Hareerahaan ka baadhaa intaan soo hambaaburo e
Hawadaan ka eegaa indhuhu kor I hanqarmaane
Sida hadda samadaa martaa lay hawadiyaaye
Markaan hoolad waayaan sidii harag islaabaye
Waa mid aan huqdeeda u dhintiyo hadimadeediiye
Hadlimaayo jeer aan habboon hoy la jiifsado.

Buga: Godob Jacaeyl

Qoraa:  Yahye Y. Xasan