Godob jaceyl | Q-8aad Adegto

Dhalinyaradii waxay yiraahdeen, wallaahay ninkani halis buu ku jiraa. Ilowba waa in Saafi la helaa oo loo dhisaa, haddii kale sidii boodhari ayaa loo aasi. Ayaamo kaddib, Siciid oo ambabax ah oo fasaxii ka dhamaaday, ayaa uu maqlay Cabdi Maxamed Xirisi oo leh qaalin geel ah baa naga halaawday, oo waxaa loo maleenayaa reerii guuray inay raacday, markaa waan ka dab tagayaa. Siciid baa u yeedhay oo yiri ma Lama daga baad aadaysaa? wuxuu yiri, haa. Waayahaye fariinta iga qaad oo Saafi iga ge.

 Wuxuuna yiri siciid Cabdiyow sadcaashayee haddaad suunta nabad qaadid Waxaad sagal lamoodii ku oran saacadaad aragto Sidii gaal santari loo diroo saacaddii dayaya Ama macalin sowdkii quraan sugaya eedanka Sawirbaad ku tahay laabta iyo saabka feedhaha dheh Mana seexdo soortana macuno mooyi saan ahay dheh Sagalbaxay la moodyey adan kuu sahwiyayaa dheh Bal inaad sidaydaa tahiyo samir inaan qaato Su’aal igu sheeg taladu yay suurka kaa xulin dheh Siciid wuu tagay Heego iyo waxbarashadii. Cabdina fariintii ma geyn. waayo, qaalintii meel sokuu ka helay.

Siciid intuu waxbarashada joogay, wuxuu qalbigiisu lahaa run iyo beeni kala raad roon Jaceyl waayay xannaano xabaalba u danbayso. 10 bilood oo uu ku mashquulsanaa waxbarashadiisa, ayuun jacaylkii maqaarsaarka ahaa oogadiisa saamayn. Waa uu ka walwal la’aa. Ma jirin dareen sidii Cabdirashiid, hadba kusoo laba kaclaynayey qalbigiisa. Fasixii danbe markii la gaadhay,

ayuu Siciid ku soo noqday reerkoodii iyo beeshii uu ka dhashay. Waxa uu yimid iska oo naftiisa la sheekaysanaya dooxo la yidhaahdo, Qowlo. Qowlo oo ahayd meel daaq fiican leh, aad na u deellanayd. Siciid waxaa loo sheegay, inayna imaanayn reerkii Saafi ka dhalatay sannadkan Ramaad. Waayo, barwaaqo ayaa ka dhacday Lama-daga, ayaa aad u deellan. Siciid talaa ku caddaatay isaga ooo leh, guul baa kuu muuqatee misaasad kaga hadhaysaa

 Wuxuu waraystay dhalinyaradii, oo uu waydiiyey, wax reerkeena ah oo Lama-daga deggani ma jiraan Dabcan, haa ayey ku dhaheen, oo waxay usheegeen geelal iyaga ah oo dhowr kadin ah, inay reerka ciid bulaale oo ah kay Saafi ka dhalatay meel u dhow galaan. Siciid markii loo sheegay wuu gartay geelashii ka dibna go’aan buu gaaray. Wuxuuna u dhaqaqay Lama-daga. habeen haddii uu dhexda ku sii jiray, waxa uu aroortii danbe u tagay geelashii. Waa ay is garteen nimankii geela hayey iyo Siciid. Balse waxay uga dhigeen salaan, ” Maa tii yarayd baad soo raadisayHaaye, aaway reerkoodu ayuu ugu halceliyey.

Haddii ba la is ujeeddo fahmay, waxay u tilmaameen kayn aan ka ba fogayn kobta ay geela ku hayaan, oo uu reerkooda oo qudhihi deggan yahay. Dabaddeed, waxay u xigsin liseen halo dhalay oo hareeri soo daaqay, xili barwaaqo ah. Galabtii buu soo saqaafay isgoo u daqaqamay kayntii loogu sheegay reerka , meeshu waa Lama-daga, waxay hodan ku tahay geedka la yidhaahdo galoolka: Kaas oo markaad ag marayso foodhya, dareemo daaqsinta ku wanaagsan.

 Isaga oo ku dhex dhuumanaya, dareensanna, haddii la arko in saafi gaadh laga qabanayo. Ileen waatii la isku ogaa jaceylkooda ee. Nasiib wanaag, goor cadceedu dhacday, xiliguna yahay hiimse hiimse buu arkay Saafi oo geedo galool ah hoostooda xabka ka jabinaysa. Isaga oo shanqadh badan iska dhawraya buu meel gaaban kagasoo baxay, si kadis ah

saafi markii ay aragtay Siciid, mar way naxday waayo, mayna ka filanayn inuu ugu iman laba-daga. markalena way faraxday oo  waxay u boholyawsanayd aadna u jacelayd aradtidiisa.

Buuga: Godob Jacaeyl

Qoraa:  Yahye Y. Xasan