Naftaada iga Waran

Naftaada iga waran, kuma ayaad tahay ama tuma ayaad tahay Su,aasha ugu horaysa ee qofka shaqadoonka ah la waydiiyo waa kuma ayaad tahay ama tuma ayaad tahay, su,aashani waa su,aal la rabo in lagu ogaado cida aad tahay waxaana isha lagu haynayaa inta su,aashaan ka jawaabisteeda aadku gudo jirto sida aad naftaada uga warbixinayso Hadaba akhriste si aad su,aashaan uga jawaabto waa inaad maskaxdaada kusii diyaarisaa ereyo kooban oo mug iyo miisaanleh oo aad naftaada  ku sharaxayso. ka digtoonoow in aad hadalka ku margato yacni aad ku celceliso hal wax. Waa inaad xooga saartaa kana war bixisaa shaqooyinka aad soo qabatay ee la xidhiidha shaqada aad codsanayso, iskana jir in aad ku hadasho dhawaaq dheer iyo mid gaabanba, waa inaad u hadashaa si dhexe oo deganaan iyo kalsooni u saaxiib ah. Ugu danbayn waa inaad sheegtaa heerkaaga aqooneed adigoo raacinaaya xirfadahaaga kuu gaarka ah. 

Buuga:  tabahalooga guudbo wareysiyada shaqada 

Qore:   Xassan Cali Iid