Maansadi Yaab

Waa duni yalaalugan
Dadku yu’osho joogaan
Yalax tahay awoodduna
Dhogortuna yuf sii tidhi
Ku Yaboohan madhatada

Yulqan iyo waxaa jira
Yablas aad u tiro badan
Yahaabuur an soconayn
Yaxdho wiiqmay baa jira
Yaqfoduna ka muush tahay
Yiridduna ku badan tahay

Lama yeeli karo shay
Yeelaal ku badan yahay
Talo la iska yookee
Dadku wada yiciisoow
Yibal weeyo duunyadi
Caqliguna yaxuusoow

Habka xumi lasii yool
Hanku waiska yacay li’id
Yahan maleh wax sheeguna
Xumahana yac lama dhaho

Yacni dawga nololeed
Yacyacoodka lagu boob
Yad nin lihi nin kale diid
Ma cajabin yakow jira
Yal qaboow lasoo tuur
Yucub hoosta laga guray
Yum ku dhahe badwayntii

Dadka cune yur lama dhaho
Yarad boobe lama naco
Yabadhaale lama siddo
Yurqudlaha lagama koro
Yutucsodana lama faro

Yibir dhahe haweenkii
Yulul iyo war mooyee
Lama yeerin shay kale
Naxash saar yaqiintii
Yididdiilo sahan male
Nin gobbey yasmo utaal

Afka yaarka loo saar
Yaaquud lakala boob
Garashadu yabaal tidhi
Yaardi saxa ma ay tabin
Yahdu joogto weeyaan
Dhulku yaaqilkii baday

Waxa yuuban murugada
Kolba gees yar loo yaac
Yuuc hoo is daba taal
Yibna laysku raacsii
Yuxuuddana lasii laag

Cidlo yuurur baa jira
Kolba goob lasoo yoob
Dhalin yoofiltaa badan
Yamyamkiyo wax sheeguhu
Yir xidhaa ayaan jirin
Yoolaalka suuree
Ma yix baa maroornaa

Sahan wada yahoonsani
Seerayaasha yaadaddo
Yaahuuda lagu ladhay
Yabaq durugtay weeyaan

Alla yaa yac dhaha tani
Yake saara goor dhexe
Intaan yaabku nala tegin
Ama yaaqu naga madhan
Dhulka yaambo duun darin
Yooco ay nabaad tegin

Yaxyax hadalku waa shiix
Mana yaal go’aan kale
Hadaad yaab is leedahay
Yasir baanu kugu nidhi

Qoraa: Naasir Cali sulub