Wuxuu ku yiri, haddaan ku raaco waxaa loo qadanayaa nin la soo cadho celiyay ee, hadhow baan kuu imanayaye iska tag.
Siciid.Saafi salaan jaceyl iga gudoon Saafi. Gudoomay bay cod macan oo naxariis leh ku tiri Gacaliye markaan dhayaha kaa qaaday jidhkaa dhamaan I jidhidhicooday aniguba kula mid ayaan ahay isoogoo muusoonayo ku yiri ma fiicantihiin Haaye bal waran bay tiri Saafi Siciid wuxuu ugu jawaabay:
Dalshisheeye iyo waxan ka imid daanki xaysimo e Duudii bahday waxay dagtaa damashi qowloode Waxa geelu noo daaqi jiray daafti marag maale Doobaa karuur noogu jiray dacarta jilaale Dacalada nuguul bay farduhu deedamahayne Dushan hawdkan uma soo baxeen dowdan boorka lehe Adigaan qalbiga kaa damcee maan dalxiisoone Dib inaan ulaabmiyo inaad ila dakaynaysid Aniguba dantaydaan hadlee dahabo sheegtaada Duray iyo duray bay xarago nagu daboolayde Doonyuhu waxay noo sidaan damash magaalade Darban gabadha ah reerahayagay daris wadaageene Dadkana way ka buuxdaa mid yar oo dahab la moodaaye Adigaan qalbiga kaa damcee maan dalxiisoone Dib inaan ulaabmiyo inaad ila dakaynaysid Aniguba dantaydaan hadlee dahabo sheegtaada.
Saafi waxay tiri iyada oo wajigeeda farxadi ka muuqato, ma sidiibaad wali gabaygii u waddaa Wakhti ma haysto, haddii la I arkana waad garanaysaa in wardiye culus lagu saarayo ee, wixii aad sheegaysay hadday run kaa tahay inna dhaqaji, waan kula baxayaaye. Waxa uu u sheegay geelashan reerkooda inuu maanta u yimid meelna u dhaaf karin Saafi waxay tiri..
waa kuwan aqaladannadii ee, geedkaa madow ee dhirta ugu gaaban hadhow igu imo marka saqda dhexe lagu jiro Haye iyo hawraarsan ayey ku kala tageen. Siciid oo aan nimanka geela haya mooye cid kale ka aqoon Qowlo, ayaa ku soo laabtay geelashii. Salaan kaddib, waa uu u warramay raggii ay wax isku ahaayeen. Waxa uu usheegay inay caawa saqda dhexe guurayaan. Waxa ay siiyeen caano uu ku casheeyo. Dabadeed, markii la gaadhay xiligii ay ballantu ahayd, noola socdana uun jirin buu geedkii isugu yimaadeen. Waayo waayo iyo mid walba wixii uu sii mutay intay kala maqnaayeen bay isooga sheekeeyeen. Siciid oo ku han wayn in ay raacdo, iyadna yara cago jiidayso buu ku yidhi: Sambabka iyo beerkiyo Halkaa saabka iyo wadnaha Saafiya adigaa hurdoo Sariirbaa kuu dhextaal..
Saaxiibaday ways nacnoo Sanqadha ka ilaaliyaan Dhamaan isku seegnayoo Cidlaan kaligay socdaa Sidii aan kuu bartan Waxbaa ila sarakacoo Anigu soortaba ma cuno Jaceylka sabaaliyoo Sagsaagka ilaaliyoo Saafiya iga daa sahwiga Aniga, adigaa ileh Ilaahay ka sakow. Siciid wuxuu jaclaa inay sheekadu caawo dhamaato balse, saafi uma diyaar ahayn. Markuu damco inuu soo gabagabeeyo bay u saartaa laamo aan laga gayoonayn. Siciid oo is xanaajinayo ayaa kacay oo yiri..
Buga: Godob Jacaeyl
Qoraa: Yahye Y. Xasan