Iskaashi

Group of people on peak mountain climbing helping team work , travel trekking success business concept

Wada shaqayntu waxa ay yaraysaa hawsha waxa ayna badisaa guusha Qoraha lama yaqaan Bulsho wax aay horumar ku gaadhaa iyadoo dad keedu is kaashado oo isku kalsoonaadan. iskaashigaasina wuxuu u hor seedaa midnimo iyo wada jir meesha midnimo taalo guuli waataala maxaayeelay iskaashato ma kufto. Taasna waxaa inoo iftiiminaya gabaygan.

Taageeraday labo gacmood tamar ku yeeshaane Tiska waxaa la qaadaa markay tiirisaa bidixe Hadday midigtu keli taagan tahay tahar ma goyseene Mar kale waa iyadii iskaashiga laga lahaa: Xaajadu ma gobol oo ma gobol, haysku ganac goyne Gobolkeed gugii hore wixii go`ay ha loo daayo Gawdhagawdh yar baa nagu haree aan idiin gaadhsiino Dabadeedna geeshadda sidii gacal haloo aa`o Nin gooni uma ciidamee gacal ha lays moodo Markaad rabto inaad hawl guul ka gaadho waxaa fiican in aad dadka la kaashato oo aadan kaligaa isku gaar yeelin maxaa yeelay far kaliya fool ma dhaqdo hadaad dadka la kaashato hawshaada waxaad ka faa`iidi. in aad hawsha si dhib yar u qabatid iyo in wakhtiga oo ah halbeega nolosha qofku uu kuu noqdo mid aadan ka qooma mayn Ma qabsan karno wax yaalaha aynnu rabno anag oo wadajirna mooye.’   

Buuga: Baadigoobka Guusha

Qoraa: Yahye Y. xasan