Anigoo Xiskaygiyo Dhamaan Laabta Kuu Xaadhay
Anigoo Xabiib Kaa Dhigtoo Xaawo Kaa Doortay
Anigoo Xubbiga Caashaqaba Adiga Kuu Xooxshay
Anigoo Xad Dhaaf Kaaga Helay Xaasna Kuudoortay
Anigoo KalGacal Xayga Ka Cad Adiga Kugu xeershay
Miyaad Adu Xakame Diidayood Xaajadii Laaqday
Anoo Xaawalaydii Nacoo Adiga Kuu Xaydan
Anoo Farxada Kugu Xeeriyo Cadhada Kaa Xeeray
Anoo Hadalka Kii Xanaf Lahayn Adiga Kuu Xulayo
Anoo Xilli Kastaba Kugu Xasilo Xumana Kaa Eego
Anoo Xuural Cayntii Janada Darajo Kula Xeershay
Miyaad Adu Xaqiiqdii Nacdood Been U Xarakaysay
Adigaa Xadhkaha Laabayoo Xumaha Soo Daayay
Adigaa Xisaabtii Xidhoo Caashaqii Xooray
Adigaa Xilkaagii Gaboo Xuub Is Marinaayo
Adigaa Dhamaan Xididka Faqay Garashadii xooray
Adigaa Jacaylkii Xasilay Xamashada U keenay
Ee Ha Xantoobsan Goorbuu Wakhtigu Kuu Xuman Faliye
Adiguu Xiskaaguba dhanayn Xarashna doonaayo
Adiguu Qofkii Ku Xardhadaa Xaytaraaf Noqoni
Adiguu Nin Kuu Xaal Warramay Xagasho Kaasheegan
Adiguu Xumuhu Kula Wacnaa oo U Xeedheeyay
Adiguu Xajjiin Kula Ahaa Kaad Xiskaba Qaaday
Waanse Xaalayni Doonaa Markii Xukunka Lagu Saaro
Bal Waan Eegi Xaajadu Halkay Kaala Xugantaaye
Bal Waan Eegi Xeradaad Dagtaa Wiilka Xaaxsada,e
Bal Waan Eegi Xumahaagu Wixi Uu Xasarad Dhala,e
Bal Waan Eegi Xigtadaada Saad ugu Xadraysaaye
Bal Waan Eegi Xaajigaad Adiga Xila Wadaagtaane
Inaad Ruuxda Xakamaha Bartiyo Xaqqa Ha Moogaanin
Mar Umbaad Xisaabtaada Garan Aan Xal Loohayne
Mar Umbaad Xadhaadhkani Ogaan Xaaladiisaniye
Mar Umbaad Xayyi U Garan Qofkii Kuu Xaglini Jiraye
Mar Umbaad Xumaatada Ka Tagi Samaha Xaalayne
Mar Umbaad Xiqiiqada Ogaan Xaalkaan Soo Maraye
Waxba Xadhiga Ha Igu Ad Adkayn Waan Xamilayaye
Waxba Xoorka Ha Isiin Marbaan Dhayda Xooxsaniye
Waxba Xaalku Yuu Been Warramin Xaalufbuu Noqone
Waxba Xiise Ha I Galin Qalbiga Waaban Kaa Xidhaye
Waxba Xaytaraaf Noqo Hadeed Kuu Xarbini Maayo
Hadeed Waan Xanibay Caashaqii Xaada Kicin Jiraye
Hadeed Waan Xukumay Xiisahaan Kuu Xawili Jiraye
Hadeed Waan Xaqiray Odhahyadii Dhiiga Xuli Jiraye
Hadeed Waan Xayuubiyay Xilkuu Caashaqu Lahaaye
Hadeed Waan Xoreeyoo Kashaydii Malaha Xayndabe
Xigsashana Ilaahbaan Bidoo Garani Xaalkayga
Xasilkaaga Eeboow Adigu Ii Xalaal Yeel dhe
Xurmadaada Eeboow Adigu Ii Xalaal Yeel dhe
Xikmadaada Eeboow Adigu Ii Xalaal Yeel dhe
Xuural Cayntaa Eeboow Adigu Ii xalaal Yeel dhe
Qalbigayga Inaan Diin Ku Xidho Ii Xalaal Yeel.
Qoraa: Kaarto Abu Ikhlaas