Sababta dawooyinka qaar iyo shaaha ama qaxwaha loo kala ilaaliyo

In badan oo inaga mid ah, in maalinteenna aan ku bilowno koob shaah ah ama koob qaxwe ah waa wax aynaan kaba fikirin. Hase ahaatee mararka qaar feejignaantu waa muhiim marka daawo lala cabayo wax kale.

Daawooyinka qaarkood waxaa la qaadan karaa wakhtiyo kala duwan oo maalintii ah balse sidoo kale waxaa lagu talinayaa in aan lagu qaadan waxyaabo ay ku jiraan waxa loo yaqaan kafayn oo ah maaddo ku jirta cabitaanno badan oo shaaha iyo qaxwuhu ka mid yihiin.

Antonio Javier Carcas Sansovan, oo ah barfasoor ku takhasusay cilmiga dawooyinka oo ka tirsan jaamacadda Madrid, ayaa u sheegay in “ay jiraan ilaa 60 dawooyin ah oo aan si taban ula falgelin kafaynta.

Marka aynu qaadanno daawo waxa ay soo martaa jidhkeena ka dib marka ay gaadho caloosha ama mindhicirka dhiiga waxa ay u qaybsantaa jidhka intiisa kale.

Elena Piotra Ruiz D’Aza, oo ah barfasoore cilmiga dawooyinka ka dhigta jaamacadda Navarra, ayaa u sheegtay in dawooyinku ay leeyihiin bartilmaameed daaweyneed, taasoo ka dhigan in ay bilaabaan saameyn wanaagsan marka ay gaaraan qaybo gaar ah oo jirka ka mid ah

Aruurinta dawada xad-dhaafka ah ee beerka.

Sidoo kale, daawooyinka qaarkood waxay isticmaalaan ‘enzymes’ iyo borotiinada sida kafeynta, si ay dheefshiidka beerka u sameeyaan. Sidaa darteed, waxaa dhacaya nooc carqaladayn ah sababtoo ah daawadani waxay ku keydsantaa jirka si xad dhaaf ah.

Balse dawooyinka kale ee gaarka ah oo ay lagama maarmaan tahay in lagu daweeyo dadka qaba xanuunka loo yaqaan afka qalaad ‘schizophrenia’, ayaa halis noqon kara hadii ay hal meel oo jidhka ka mid ah ku aruuraan.

Waa daawo aan dhibaato keenayn hadii inta loogu tala galay laga isticmaalo , balse haddii ay ka sarreyso qaddarka loo qoray qofka, waxay kordhin kartaa khatarta.”

Dhibaato dheefshiid

Waxa kale oo lagu talinayaa in daawooyinka qaarkood, sida kuwa lagu daweeyo xanuunka hypothyroidism’, lagu qaato calool madhan.

Waa muhiim inaad ku qaadato dawadan calool madhan, adigoon wax cunin ama cabbin qaxwaha, iyo inaad sugto wakhti ka hor quraacda si daawadu si buuxda ugu gaadho heerka mindhicirka iyo habka difaaca jidhkeena,” ayey tidhi Pyotra.

sidoo kale joogitaanka cuntada ee caloosha iyo mindhicirka waxay suurtogal u tahay inay carqaladeyso nuugista daawooyinka qaarkood ee jidhka.

Xitaa haddii aad qaadato qiyaasta lagu taliyey iyo haddii qayb ka mid ah dawada aanu beerku nuugin, ma yeelan doonto saameyn caafimaad.”

Daawooyinka kale qaarkood, xeerka ayaa ah in aan waxba la qiyaasin ee la cabiro. Qaar ka mid ah dawooyinka ka hortagga bararka waxay dhibaato u keeni karaan xuubka caloosha.

Sababtan awgeed waxaa mararka qaarkood lagu taliyaa in lagu qaato cunto si loo yareeyo waxyeelada daawada ee caloosha.

Caanaha Qaxwaha.

Yaanay ku sirin caanaha badan ee qaxwaha lagu daro” ayey tiri Pyotra.

Waa muhiim in daawooyinka loo qaato sida saxda ah ee ay qoraan xirfadlayaasha caafimaadku

Qaadashada daawooyinka qaarkood ee caanaha ma samaynayso farqi, laakiin qaar ka mid ah antibiyootiga ayaa lumin kara waxtarkooda.

Haddii aad qaadato dawooyinka saameeya habka dhexe ee neerfayaasha, sida dawooyinka loo isticmaalo walwalka, waa muhiim inaad raacdo tilmaamaha dhakhtarka, Piotra ayaa leh, sababtoo ah kafeynta lafteedu waa waxa ugu weyn ee kiciya nidaamka neerfaha.

‘Iska ilow nooca aad cabitaanka iyo cuntada ugu sameysato guriga. Haddii ay daawadu tahay noo budo ah oo loogu tala galay in biyo lagu qaso, sidaas u samee, ha ku dhex darin sharaab kale ama dareere kale sababtoo ah kuwani waxay si buuxda u beddelaan saamaynta daawada.

Waxay kaloo sheegeen inay jiraan dawooyin badan oo aanay dhibaato ku ahayn qaadashada qaxwuhu.

Waa inaad xaalad kasta u eegtaa si gaar ah, habka ugu fiican ee aad ku hubin kartaana waa inaad waydiiso farmashiistahaaga ama dhakhtarkaaga,” ayuu yidhi Karkaska.

“Guud ahaan way wanaagsan tahay in la cabbo qaxwe aan xad dhaaf ahayn.”

Qoraa:Zech Abdi